Ciidamada dalka Eritariya oo muddo dheer ku sugnaa meelo badan oo kamid ah gobolka Tigray ayaa la sheegayaa inay billaabeen inay ka baxaan inta badan goobihii ay kaga sugnaayeen gobolka Tigray.
Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta waxaa magaalooyinka waawayn ee ay joogeen Ciidamada Eritariya lagu arkayay gawaarida ciidanka Eritariya...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay ka hadlay munaasabad Casho sharaf ah oo madaxweynaha dowladda Jabuuti loogu sameeyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Jabuuti abaalka ay u gashay Soomaaliya uu yahay mid aanan la gudi karin.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoonsiiyay madaxweynaha dalka Jabuuti...
1 qof ayaa ku dhintay 2 qof oo kalena way ku dhaawacmeen mudaharaad maanta galinkii danbe ka qarxay magaalada.
Xaalada magaalada Laascaanood oo daganayd galinkii hore ee maanta ayaa is badashay kadib markii galinkii danbe ee maanta ay dadweyne cadhaysani dhagax tuureen saldhiga dhexe ee magaalada, ciidamada booliiskuna ay rasaas...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xalay mar kale kulan kula qaatay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa kii labaad oo ka dhaca hoyga gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe...
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugida Qaranka iyo kuwa Booliiska Haramcad ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanada Jilib marka iyo Gandarshe oo ah deegaano hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanadan ay la wareegeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxaa horay ugu...
Ciidamada Federal Booliska Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Maqale si ay usugaan amniga magaalada Maqale iyo waliba xarumaha dowliga ah ee ku yaal isla magaalada Maqale.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidamada Federal Booliska ee Itoobiya, Ciidamadan ayaa sugi doona amniga garoomada diyaaradaha, Isgaarsiinta, xarunta Korontada, Bangiyada...
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagasoo saaray qodobo dhowr ah, qodobadaas oo qeyb kamid ah maamulka Puntland uusan saxiixan.
Golaha wadatashigu waxay isku raaceen marka laga reebo Puntland, heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka fedaraalaynta garsoorka dalka iyadoo la isku raacay in la...
Xukuumada Somaliland, oo ka jawaabaysa diidmo ay xukuumada Soomaaliya ka muujisay shidaal shirkada Genel Energy ka qodayso Somaliland, ayaa sheegtay in ay iyadu masuul ka tahay maamulka khayraad keeda.
War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa lagu xusay in shacabka Somaliland ay xukuumadooda u igmadeen ilaalinta iyo maamulka...
Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta khudbad xasaasi ah ka horjeediyay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, isagoona ku dheeraaday ka hadalka dhanka amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Geelle ayaa mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu horeyn kula dardaarmay in dalka iyo...
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo qaar katirsan wasiiradda iyo xildhibaannada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo ku shirsanaa Muqdisho ay iska indho tireen xaaladda magaalada Laascaanood.
“Waan ka xunnahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madasha...


















