1 qof ayaa ku dhintay 2 qof oo kalena way ku dhaawacmeen mudaharaad maanta galinkii danbe ka qarxay magaalada.
Xaalada magaalada Laascaanood oo daganayd galinkii hore ee maanta ayaa is badashay kadib markii galinkii danbe ee maanta ay dadweyne cadhaysani dhagax tuureen saldhiga dhexe ee magaalada, ciidamada booliiskuna ay rasaas ku jawaabeen.
Galabta waxa la sheegaya in meelaha qaarkood lagu arkayo mudaharaado goos goos ah, isla markaana waxa la maqlayay rasaas ka dhacaysa meelaha qaarkood. Dadka ayaa sheegaya in ay kasoo horjeedaan dilalka soo noq noqday ee magaalada ka dhacaya.
Badanka dadka magaaladan lagu dilay 10 kii sanno ee lasoo dhaafay ayaa ah masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, ama dad u olloleeya qadiyada Somaliland, Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi, oo ah qofkii ugu danbeeyay ee magaalada lagu dilo, waxa uu ahaa masuul ka tirsan xisbiga WADDANI, wuxuuna dadka ugu baaqayay in ay is diwaangaliyaan.
Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka socda xukuumada Somaliland ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, walina ma jiraan go’aano cad cad oo xukuumada Somaliland sheegtay in ay ku wajahayso qalalaasaha Laascaanood.
Dhanka Kale Madaxda Isbaheysiga Xisbiyada Qaranka Soomaaliya ayaa Ka hadley wax ay ugu Yeereen Xasuuq inuu ka socdo Magaalada Laas Caanood ee Gobolka iyadoo la Beegsanayo Haldoorka Deegaankaas Sida Aqoonyahanka dhalinyarada Haweenka iyo Culimada Diinta iyagoo Si Adag u Cambaareeyey cidda ka danbeysa falalkaas wuxuushnimada ah,isla Markaasna usoo jeediyey Madasha wadatashiga Muqdisho ku sugan in aaney indhaha ka laaban waxa Goblka Sool ka Socda.