Tuesday, August 11, 2026
Ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa goor dhowayd ku guulaystay inay soo afjaraan kooxdii Alshabaab ee weerarka ku qaadday xarunta gbolka Banaadir. Maydadka Shabaabkii ka dhex dagaalamayay gudaha xarunta gobolka Banaadir ayaa lasoo bandhigay, kuwaas oo ay ciidamadu dileen, kadib howlgal saacado qaatay. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii dhowaan ka qeyb qaadatay shaqaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed, tallaabdan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay hannaanka dib u heshiisiinta ka socota Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa...
Qaraxyo aad u xoogan oo Ismiidaamin ah ayaa goordhaw laga maqlay jugtooda inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lasoo sheegayo iney ka dhaceen nawaaxiga xarunta maamulka gobolka Banaadir. Qaraxyadaan oo gaaraya ilaa sadax qarax ayaa la tilmaamaya in qaraxa koowaad uu ahaa mid ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta...
Howlgalka Midowga ee ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya xerada Maslax ee degmada Huriwaa, halkaas oo ay haysteen tan iyo sanadkii 2012-kii. Xilwareejintan waxay qeyb ka tahay qorshaha kala-guurka oo ay diyaariyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, ATMIS, UN iyo la-hawlgalayaashooda  si ay u hagaan bixitaanka ATMIS. Heshiis si...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare badan geystay oo Xalay ka kacay  qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kasoo damintiisa ay qaadatay saacado badan. Dabka ayaa la sheegay in markii hore uu ka kacay qeybta lagu iibiyo Maacuunta, hayeshee uu ku faafay qeybo kale ay...
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka G/guduud ayaa howlgalo qorsheysan ku qabtay saddex Horjooge oo ka tirsan kooxda Alshabaab. Horjoogayaashan oo lagu kala magacaabo Cabdirashiid Macalin Cali Durdurshe, Cabdi Gaanyaco iyo Mascuud Cali Lugeey, ayaa lagusoo bandhigay magaalada Xarardheere. Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa...
Ciidamada Xoogga Dalka iyo ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa Alshabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose. Lama soo sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaasi, waxayna ciidamadu kula wareegeen si nabad ah deegaankaan oo kamid ah deegaanada Muhiimka...
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay duuleedka deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud. Duqeyntaan diyaaradeed ayaa la sheegay iney ka dhacday deegaan qiyaas ahaan magaalada Muqdisho uga beegan dhinaca Waqooyi Bari ilaa 260 KM, iyadoo Taliska Africom uu...
Xubnaha wasiirada Somaliland ee Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in ay ogolyihiin shirkasta oo dhan oo aan ka hor imanayn qaranimada Somaliland, waxayna ka digeen faragalin shisheeye. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed kooda, ayaa sheegay in xukuumadu ogoshahay shirkasta oo dhaqan oo aan...
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ka badan 10 Shabaab ah in lagu dilay weerarkaan, waxaana la sheegay in looga...