Dagaal ka Dhacey Deegaanka Goof Guduud ee Gobolka Baay oo Ciidamada K/galbeed Sheegeen in ay ku dileen 10 kamida Al-shabaab.

0
472

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay jab xoogan u gaysteen kooxda Al-shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ka badan 10 Shabaab ah in lagu dilay weerarkaan, waxaana la sheegay in looga gubay gaadiid dagaal.

Dagaalka waxaa iska kaashaday ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda ah kuwo degen, waxaana madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhiirri galiyay ciidamadu inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.