M/weyne C/casiis Lafta Gareen oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Loo Xirxirey Rabshadiihii Baydhabo Ka Dhacey.

0
515

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii dhowaan ka qeyb qaadatay shaqaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed, tallaabdan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay hannaanka dib u heshiisiinta ka socota Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa faray xeer ilaalinta iyo hay’adda nabad sugida inay xabsiyada kasii daayaan maxaabiista u xiran shaqaaqadii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Maxaabiista uu madaxweynaha koonfur Galbeed xafiska u fidiyay oo gaaraya 20 qof, ayaa 19 kamid ah waxay yihiin askar iyo saraakiil ka tirsan qeybaha ciidamada dowladda.