Dadka ku dhaqan xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin ee Magaalada Beledweyne ayaa baqdin xoog leh ka muujinaya Fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle oo biyo xoogan wada.
Qoysaska qaar ayaa durbaba bilaabay in ay albaabahooda ka sii xir xirtaan guryihii ay ku noolaayeen, iyagoo cabsi qaba in mar kaliya wabigu gabiyada jabsado,...
Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhintay 15-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax iyo weerar toos ahaa oo saakay lala beegsaday xarunta ciidamada Taraafikada ee Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha hay'adaha amniga DF ka tirsan iyo Goob-joogayaal.
Qaraxan, ayaa waxaa geystay nin watay gaari waxyaabaha qarxa laga...
Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland ee ka socota gobolka Maroodi-jeex ayaa Dadku aysan ugu soo bixin sidii laga doonayay, isla markaana aanay jirin safaf dhaa-dheer oo loo galayo diiwaan-gelinta.
Wejigii hore ee diiwaangelinta ayaa soo Gaba-gabowday, Waxaana la galay qaybtii labaad ee Diiwaanglinta oo goobihii ay markii hore yaaleen laga soo yareynayo,...
Kulan Maanta lagu qabtay Xarunta Waaxda Duulista iyo saadaasha Hawada Soomaaliya ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa qalab lagu guddoonsiiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DF Somalia, kaasoo loo adeegsan doono Hagidda Diyaaradaha.
Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa; Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac Jangeli, Danjiraha...
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kula hadlay Qaybaha bulshada, ayaa soo Hadal-qaaday dhibaatada kooxaha dhigta is-baarooyinka dhigta deegaanada Galmudug ay dadka iyo nolosha bulshadaba ku hayaan.
C/kariin Guuleed, ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin kuwo sharci-darro...
Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadooda ka qaybta AMISOM ay sii joogi doonaan Somalia, isla markaana aanu jirin xilligaan qorshe la doonayo in looga saaro Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidanka Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in Xilliga la joogo uusan jirin qorshe cad oo dowladdiisa uga dagsan inay ciidankeeda ka saarto...
Khurram Zaki oo ahaa Dhaqdhaqaaqe Xuquuqda Aadanaha iyo Wariye laga yaqaan Waddanka Pakistan, ayaa lagu toogtay Magaalada Karachi.
Boolisku waxay sheegeen in Zaki uu ku casheynayay maqaayad ku taal wadada dhinaceeda ee waqooyiga magaaladaas markii rag hubeysan oo watay labo mooto ay xabado ku fureen. Labo qof oo kale ayaa...
Dowladda Somalia ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyo maamulka hawada Somalia iyadoo Muqdisho la keenay qalabka lagu hago diyaaradaha, kaasoo la sheegay in laga keenay Magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya.
Wararka ayaa intaa raacinaya in toddobaadka soo socda lagu wareejiyo maamulka Hawada Somalia Wasaaradda gaadiidka,...
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii 4-aad loo caleemo-saartay loona dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalka Jabuuti, kaddib markii xilka loo doortay horraantii bishii lasoo dhaafay ee Abriil, 2016-ka.
Xafladda Caleemo-saarka Geelle, ayaa waaxa ka Qayb-galaya madaxda Gobolka oo uu ka mid yahay; Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo...
Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dalka, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo shir jaraa’id xalay ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay inuusan doonayn in dartiisu uu dalku qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur u galo.
Avv. Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay...


















