Wargeyska The Star ee kasoo baxa
wadanka Kenya ayaa Saakay oo Arbaco
ah daabacay in ay Rasmi tahay in
Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo
Kenya ee la xiriirta Muranka badda ay
Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.
Kenya waxay ku doodeysaa in Somalia
ay rabto in Kenya ay noqoto dhul aan
Bad lahayn, Waxayna Kenya ku
sheegeysaa in biyaha la isku haysto ay
ku yaallaan 5 Ceel oo Shidaalka hodon
ku ah,kuwaas oo ay sheegatay in ay
Iyada leedahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwad ka
dhan ah Kenya lana Xiriirka Muranka
Badda ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku
qaadato qeyb ka mid ah Biyaha
Somalia,waxay Dacwaddaasi u gudbisay
Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.
Maxkamadda ayaa Wrabixinta ay soo
saartay ku sheegtay in Dhegeysiga
Maxakamadda uu socon doono muddo
Afar Maalmood ah oo ka billaabata 19-
ka illaa 23-ka Bisha September ee soo
socotay.
Sidoo kale, Kenya ayey Maxakamadu
sheegtay in ay ku horumari doonto
hadalka la Xiriira Dacwadda labada
dhinac oo iyada la dhegeysan doono
maalinta ugu horreysa ee Isniinta ah oo
ay Kenya ku soo Bandhigi doonto Waxay
qabto halka Soomaaliya la dhegeysan
doono Talaado ilaa Khamiis oo ah
3Maalmood oo laga doonayo in ay ku
soo bandhigto Dacwadda ay ka gudbisay
Kenya.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee waddanka
Kenya, Githu Muigai ,ayaa ka digay in
Kiiska Muranka Badda ah ee Somalia
haddii uu sii adkaado ay Kenya ku
xambaari doonto dadajinta xiridda
xerada dhadhaab iyo inay Kenya ka bixi
doonto AMISOM oo ay sheegtay ij ay
Soomaaliya ka caawiso Amaanka.
Ugu dambeyntii, Dacwadda Waxaa lagu
Dhegeysan doonaa Daarta Nabadda ee
ku Taalla Magaalada Hague, halkaasoo
ah Xarunta Maxkamadda.
Home Macluumaadka GMDQ & Xisbiyada Dacwadda muran beenaadka badda ee soomaaliya iyo Kenya oo la dhageysanayo bisha...





