0
32

— Golaha
Wasiirada Xukuumada FS oo maanta
kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa waxay
uga doodeen qodobbo dhawr ah;
Waxaana ay Ansixiyeen Xubnaha
Guddiga Saxaafadda Qaranka
Soomaaliyeed.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa
warbixinta la xiriirta Amniga looga
Dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga
DF, C/qaadir Sh. Cali Diini, isagoo
Sharraxaad ka bixiyay hawl-galada ka
socda Somalia.

Was kirk a ayaa Xusay in
Dagaalladii ugh Dam very at ee ka dhacay
dalka ay sababeen in kooxaha Al-
shabaab ay kala jabeen, iyadoo dhawrkii
bilood ee ugu dambeeyay ay waayeen
xubno iyo Saraakiil muhiim u ahaa
kooxda.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta
Xukuumadda Federaalka Somalia,
Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], ayaa
isna Golaha Wasiirrada u gudbiyay
xubnaha guddiga saxaafada Qaranka,
kaasoo ka kooban Sagaal xubnood, ayuu
sheegay in lagu soo xulay Aqoonta ay u
leeyihiin Saxaafadda iyo Shuruucda
hagaysa.

Golaha Wasirrada ayaa Dood dheer iyo
Falanqeyn kaddib, Waxay isku raaceen
inay meel-mariyaan Guddigan, waxayna
soo jeediyeen in qaar ka mid ah
guddigan wax ka bedel lagu sameeyo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha
Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/
rixmaan Odawaa ayaa Dhankiisa
Warbixin ka siiyey Golaha Wasiirada
Xukuumadda Soomaaliya – Halka uu
marayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka
iyo Raashin ay Leedahay Hay’adda WFP
ee Maalin ka hor lagu Qabtay Garoonka
Diyaaradaha Muqdisho.