Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen uga hadlay qodobo ay ka mid yihiin hawlgalada ciidanka xoogga Soomaaliya ay ka fulinayaan deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Galgaduud, go’aanka xukuumadda Kenya ay ku sheegtay inay Xirayso Xeryaha Qaxootiga iyo kuwo kale.
Wasaarada Difaaca Somalia, ayaa...
Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo Is-garabsanaya ayaa Al-shabaab kala wareegay maanta deeganno ay ka mid yihiin; Sabiid iyo Caanoole oo qiyaastii 10-km u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka, ayaa haddana waxaa la sheegayaa in weli ay...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in horumar ballaaran laga gaaray Dagaalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuuna xusay in Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab kaga guuleysteen Dagaallada ay kula jiraan.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka ay ku jiraan uusan ahayn mid keliya, laakiinse ay jiraan aagag kale...
Xulitaanka xeer-beegtida ayaa maanta u billowday sedex wiil oo dhallinyaro ah oo ka mid ahaa sagaal dhallinyaro oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka Dagaallanta Dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Mahamed Farah oo 21-jir ah, Guled Omar oo 22-jir ah iyo C/raxmnaan Daud. Lixda kale...
Ciidamada Amniga Somalia, ayaa sheegay in saaka ay gacanta ku dhigeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo marayay meel ku dhaw isgoyska Sayidka ee Muqdisho, iyadoo tani ay imaanayso xilli shalay weerarro isugu jiray Qarax iyo mid toos ah lagu qaaday xarunta taliska Ciidanka Taraafikada Muqdisho, kaasoo ay...
Meydadka qaxooti badan oo tahriibeyaal ah oo dhawaan ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa kusoo caariyay xeebaha Greece.
Arintaas ayaa walaac xooggan ku abuurtay dawlada iyo shacabka dalkaasi Greece. Greece ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay sii maraan tahriibeyaashu marka ay kusii jeedaan qeybaha kale ee Yurub.
Dad badan oo meydadkoodu...
Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiin Dowladda Saudi Arabia ka tirsan, ay horay uga hadleen barnaamijkaan ku aaddan shaqaalaha Soomaaliyeed ee loo qaadayo Sacuudiga, ayay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya, waxay maanta sheegtay in 2,000 oo shaqaale Soomaaliyeed ah ay bishan May gudaheeda u qaadayso dalka Sucuudiga.
Wasiir...
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, Col. Xasan Cali Nuur , ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Dagaallada kusoo noq-noqday Gobolka Shabeellada Hoose ee salka ku haya Beelaha iyo Qorshaha uga degsan xal-u-helidda colaadaha Gobalkaas kusoo laalaabtay.
Col. Shuute ayaa sheegay in 12-askar oo loo haystao inay isbaarooyin dhigteen...
Munaasabad uu xilka kula Wareegayay Guddoomiyaha Cusub Maxkamada Sare ee Dalka, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa Maanta lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qayb-galeen Madax uu ka mid ahaa; RW ku xigeenka XF Somalia, Maxamed Cumar Carte.
Xafladdaan oo ka dhacday Xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxaa kaloo ka...
Mudaaharaad looga cabanayay sicir-barar magaalada ka jira iyo ganacsato diiday 500 ee Shilin Soomaaliga ah, ayaa maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo xalayna la weeraray guriga Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Ciise .
Dibadbaxan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ganasatada Magaaladda Qaarkood, ayaa xayiray inta badan suuqyada...


















