Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay, Mudane Ban Ki Moon iyo
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru
Kenyatta ayaa kawada hadlay
Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee Dalka
Kenya, iyadoo Ki-moon uu ku boorriyay
Xukuumadda Kenya inay xurmeyso
heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee dib u
celinta qoxootiga ku nool xeryaha
Dhadhaab, ayna la shaqeyso Dowladda
Soomaaliya yo QM.
Kulanka Ki-Moon iyo Uhuru Kenyatta oo
shalay ka dhacay Magaalada Brussels ee
xarunta Dalka Belgium, ayaa Waxay QM
ku ammaantay Kenya muddaddii dheeer
ee ay Qoxootiga Soomaaliyeed ku haysay
Xeryaha Dhadhaab.
“Xukuumada Kenya waa inay kala
shaqeyso dowladda Somalia iyo QM,
heshiiskii saddex-geesoodka ahaa – ee
dib u celint Qoxootiga, kaas oo lagu
Saxiixay Nairobi Sannadkii 2013-kii,”
ayuu yiri Xoghayaha Guud ee QM oo ka
hadlayay kulanka uu la qaatay Kenyatta.
Sidoo kale, Ban Ki-Moon ayaa ku baaqay
in Qoxootiga Soomaaliya ee Dib loogu
celinayo Dalkooda ay noqdaan kuwo
iskood u doortay, Balse aanay dhicin in
Ruux aan doonayn in la celiyo lagu
qasbo in lagu celiyo.
Dhanka kale, Ki-Moon ayaa balan-
qaaday in QM ay sii wadeyso kaalmada
bani’aadanimo, kuwa hurumarineed iyo
tan Amaan ee ay la garab-taagan tahay
Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya.
Kenyatta iyo Ban Ki-Moon, ayaa Isku-
dhaafsaday Kulankooda Aragtiyadooda
ku Aaddan Amaanka iyo nabadgelyada
gobolka, iyo caqabadaha kala duwan ee
uu gobolku Wajahayo.
Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Kenya
ayaa waxay sheegtay in dhammaadka
sannadkan ay si rasmi ah u xirayso
xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya
oo ah kuwa ugu weyn caalamka oo ay ku
nool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo ku
dhaw Nus-malyuun Qof.





