Iyadoo
ay maalmihii dambe sii kordhayeen
gadiidka la kala dhacayo deegaannada
gobollada dhexe, ayaa waxaa arintaa ka
digay taliska booliiska magaalada
Beledweyne oo sheegay in aan loo
dulqaadan doonin in hanti qof leeyahay
qof kale iska heysto.
Taliyaha Qaybta Booliiska Magaalada
Beledweyne Col, Cali Dhuux Cabdi
Mahad-Alla oo kula hadlayay
Warbaahinta Gudaha Degmada
Beledweyne, ayaa sheegay in maalmihii
ugu Dambeeyay arinta ku saabsan
Hantida la kala Qabsanayo ay ku sii
Kordheysay Magaalada, sidaa awgeed
Hay’adaha ammniga amar ku qabaan in
ay tallaabo ka qaadaan dadka falalka
noocaa oo kale ah ku kacaya.
“Maalmihii u dambeeyay waxaa name soo
gaarayay warar ku saabsan in dad
shacab ah arrimo ammniga ka dhan ah
ku kacaya, saldhig boolis ayaa jira,
hay’addo ammni ayaa shaqeynaya looma
dulqadan doono in hanti ruux leeyahay
qof kale Sharci -arro isaga haysto,
Arrintaas tallaabo ayaan ka qaadi
doonnaa,” ayuu yiri taliyaha.
Gadiidka oo ah hantida ugu badan ee la
kala qabsado ama la kala dhaco ayaa
waayadii ugu Dambeeyay ku soo
kordhayay deegaanada gobollada dhexe
oo ay magaalada Beledweyne ka mid
tahay.
Taliyaha, ayaa sheegay in qof kasta oo
hanti ka maqan tahay looga baahan
yahay in uu soo gaarsiiyo cabashadiisa
hay’addaha ammniga isaga oo aan
qaadin tallaabo intaa dhaafsiisan.
Ugu dambeyntii, waa markii ugu
horeysay oo taliska booliiska degmada
Beledweyne uu ka hadlo arintan oo
mudo dheer soo jiitameysay.





