Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa soo dhaweeyay go’aanka mucaaradka ee ay maxkamadda sare ugu gudbiyeen dacwad ka dhan ah habraacii wax-ka-beddelka Dastuurka, isaga oo sheegay in tallaabadaasi muujinayso kalsoonida lagu qabo sarreynta sharciga iyo garsoorka dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dacwad...
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa sheegay inuu dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kula kulmay madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland iyo hoggaamiyaha Jubaland, isaga oo kulamadaas ku tilmaamay kuwo looga hadlayay qorshe ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sanbaloolshe oo ka...
Shirkadaha korontada ee BECO, Muqdisho Power iyo Blue Sky ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen qiimaha korontada, iyagoo sabab uga dhigay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka.
Warsaxaafadeed ay shirkaduhu soo saareen maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegeen in kororka qiimaha shidaalka uu...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabay howlgal milatari oo loogu magac daray “Banooda”, kaas oo lagu beegsanayo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga.
Warka Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay duleedka deegaanka Leego ee gobolka Bay, halkaas oo...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Sabtidii gaaray magaalada Jeddah ee galbeedka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka bilaabay booqasho rasmi ah.
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Xamsa Cabdi Barre uu ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Cabdulcasiis ee magaalada Jeddah, halkaas...
Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa mar kale Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe u doortay hoggaamiyaha maamulka, halka Cabdifataax Xasan Afrax loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.
Cali Guudlaawe ayaa ku guuleystay doorashada hoggaamiyaha Hirshabeelle, isaga oo helay codadka 81 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada. Dib-u-doorashadiisa ayaa...
Ugu yaraan sagaal qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen isku dhacyo u dhexeeya bulshooyinka Oromada iyo Soomaalida ee magaalada Moyale ee ku taalla xadka deegaanka Soomaalida Itoobiya ka wadaago Kenya, halka kumannaan qofna ay ka barakaceen guryahooda, iyaga oo ka gudbay xadka Kenya, sida ay ku warrantay wakaaladda...
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa sheegay inuu sii wadi doono waajibaadkiisa ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo lagu xalliyo khilaafka maamulka, isaga oo caddeeyay inuu xilka wareejin doono marka dhinacyadu ku heshiiyaan hannaan siyaasadeed oo cusub.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sidoo...
Soomaaliya iyo Uganda ayaa kala saxiixday heshiis lagu nidaaminayo shaqaaleysiinta muwaadiniinta Uganda ee ka shaqeeya Soomaaliya, kaas oo dhigaya in shaqaalaha la siiyo heshiisyo shaqo oo qoraal ah, mushaharkoodana lagu shubo akoonnada bangiyada ee magacyadooda ku qoran.
Heshiiska ayaa Khamiistii, 22-ka Oktoobar 2026, magaalada Muqdisho ku kala saxiixday wasiirka Shaqada...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay dable Boolis Jamaal Xasan Cabdulle, oo lagu helay dilka taliyihii hore ee hoggaanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Booliska, Sarreeye Guuto Salaad Maxamed Guuleed, oo lagu dhex dilay gurigiisa 2-dii Juun 2026.
Maxkamadda ayaa sidoo kale Mustaf Xuseen Guure, oo loo...


















