Saturday, October 31, 2026
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay duqeyn ka fuliyeen buuraha Al-Madow ee Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sida ay saraakiil maxalli ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP. Duqeynta ayaa ka dhacday marinka buuraha Galgala ee silsiladda Al-Madow, iyadoo...
Garsoore federaal ah oo ku sugan magaalada Washington ayaa xaddiday awoodda Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ay ku baari karto dukumentiyo laga qaaday guriga Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, kaddib baaritaan la xiriira tuhunno ku saabsan dukumentiyada socdaalka iyo jinsiyadda. Sida ay baahisay telefishinka CNN, garsoore Matthew...
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa sheegay in ciidamo isaga taabacsan ay la wareegeen afar degmo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bay, kadib hawlgallo iyo dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaannadaasi. War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Lafta-gareen ku sheegay in ciidamadiisa...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in kuraasta baarlamaanka federaalka ee deegaannada aan doorashadu ka dhici karin ama aan ka qaybgelin hannaanka doorashada lagu matali karo kuraasta laga soo doorto deegaanno kale oo dalka ah. Guddoomiyaha guddiga ayaa sheegay in nidaamka doorasho ee ay diyaarinayaan uu ku dhisan...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey ee Turkiga, kaas oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka. Madaxweynaha ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan hawlaha qodista shidaalka ee socda, shaqada la qabtay iyo natiijooyinka...
Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee ay shaacisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo dhigaya in doorashada Golaha Shacabka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha la qabanayo 15-ka May 2027. Shariif Sheekh Axmed ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid...
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka ay shaaciyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo qeexaya qabashada doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha dalka. War-saxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay Khamiista, 15-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegtay in jadwalkani yahay tallaabo muhiim ah oo...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub, iyaga oo guddi wasiirro ah u xilsaaray diyaarinta hindise-sharciyeed qeexaya dhismaha Xukuumadda, tirada xubnaheeda iyo waajibaadkooda. Shir aan caadi ahayn oo xalay, guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayay goluhu kaga hadleen fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Guddiga...
Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa gaadhay magaalada Zalambessa oo ku taalla xuduudda Itoobiya iyo Eriteriya, taas oo hore gacanta ugu jirtay xoogagga fallaagada Tigrayga, xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in labada dal uu mar kale dhex maro dagaal. Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters werisay Talaadadii, 13-kii Oktoobar 2026,...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026. Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada...