Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa sheegay inuu ka murugooday geerida Bashir Maxamed Cabdullaahi, oo ahaa wariye ka tirsanaa warbaahinta Arlaadi Media Network, kaas oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo saacadihii hore ee Isniintii, 7-dii Sebtembar, kadib dhaawac culus oo rasaas loogu geystay magaaladaasi 3-dii Sebtembar.
Sida ay NUSOJ u sheegeen...
Markabka dagaalka ee Ciidamada Badda Türkiye TCG Göksu (F-497) ayaa ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, iyadoo markabkan uu qeyb ka yahay Kooxda Hawlgalka Ciidamada Badda Türkiye ee Soomaaliya (Somali Turkish Naval Task Group).
Markabkaan ayaa Muqdisho soo gaaray Sabtidii, 5 Sebtembar, isla markaana uu ku xirtay Dekedda Muqdisho.
Sidoo kale, Safaaradda...
Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan khataraha amni ee Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda ku wajahan meelaha ka baxsan Israa’iil, oo Somaliland ku jirto, iyaga oo sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan in ay beegsadaan Israa'iiliyiinta u socda Somaliland.
Sida ay baahisay i24NEWS, Golaha ayaa sheegay in...
Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay Shirweynaha 12-aad ee Baarlamaanka Adduunka, qaybtiisa dhallinyarada, oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan, iyadoo Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi uu Soomaaliya ku metelayey shirweynaha.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka kala socday illaa 50 dal ayaa diiradda lagu saaray...
Dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Garbahaarrey iyo Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayeen caro ka dhalatay weerar dhawaan ka dhacay halkaas, kaas oo ka dhacay guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan Jeneraal Shub.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay...
Senator Farxaan Cali Xuseen ayaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday in wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha looga yeero Golaha, si wax looga weydiiyo waxa uu ku tilmaamay khatarta sii kordheysa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado gudaha Soomaaliya.
Senator Farxaan ayaa sheegay in walaac laga...
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul uga hadlay duqeyn habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu bartilmaameedsaday hoyga uu halkaasi ka deggenaa Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa...
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa saaka xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho salaan iyo xushmad ah ku tagay xarunta.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta heshiiska lagu dhisay Aagga Ganacsiga...
Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI) ayaa saxiixay Baaq Wasiirro oo Wadajir ah, kaas oo lagu dhisay Guddiga Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee Geeska Afrika (RTFC).
Heshiiskan ayaa lagu soo gabagabeeyey shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga ee Hindisaha Geeska Afrika, kaas oo ay guddoominaysay Soomaaliya, waxaana...
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sanadkan 2026 ay xirtay 82,000 bog oo baraha bulshada ah oo uu sheegay in kooxaha argagixisadu u adeegsanayeen faafinta fikradahooda.
Ducaale oo ka hadlayay dood ku saabsan isku-xirka la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo yareynta khataraha musiibooyinka ka...


















