Wararka naga soo gaaraya eheladii iyo dadkii ay ka dhasheen dadkii dhaawaca ahaa ee ku dhaawacmey dagaalkii G/kacyo isla markaasna xamar loo soo qaadey ayaa cabasho ka muujinaya dar xumo daryeel la'aan ku heysata magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaal Digfeer oo ay maamulaan dhaqaatiir Turkish ah.
Dadka dhaawaca ah ayaa...
Wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa ka dhawaajiyay inuu dadaal u geli doono sidii maxkamada caalamiga ah ee ICC ay xafiis uga furan lahayd Somalia, si loo helo la xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo dadka dambiyada dagaal ka gala Somalia.
Afeey oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay...
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa si adag u difaacay go’aanka dowladdiisu ay ciidamada gaarka ah ugu dirayso dalka Ciraaq, isagoo sheegay in ciidamadaas ay la dagaallami doonaan kooxda ISIS, balse aysan taasi macnaheedu ahayn in Mareykanka uu mar kale duullaan ku yahay Ciraaq.
Barack Obama ayaa hadalkan ku sheegay wareysi...
Hablaha da’da yar isla markaasna inta la guursado hadana laga tago oo qaarada Afrika kusii badanaya.
Magaalooyin ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka jira dhaqamo ah in Raggu ay ka tagaan xaasaskooda marka ay guursadaan, iyagoo shaqooyin u raadsadaan dalka Talyaaniga, kama maqnaada tobannaan sanno.
Inta badan arrintan waxay ka dhacdaa magaalada Beguedo oo ku taalla Burkina Faso, balse haweenkeeda oo keliya arritan oo...
Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka Dunida Qaybtiisa horumarinta Afrika (IOM-MIDA) ayaa wuxuu shir muhiim ah ku qabtay xarunta Sweden ee Stockholm.
Shirka oo ay qabashadiisa fududaysay Drs. Jihaan ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka Kista Träff, waxaana ka qayb-galay aqoon-yahanno badan oo ku nool Sweden, kuwaasoo danaynayay inay wax ka...
Xukuumadda Ciraaq ayaa Weydiisatay Turkiga inay ciidamadooda kala baxdo Waqooyi dalkeeda oo ay maamusho ISIS, iyadoo mas’uuliyiinta Ciraaq ay sheegeen in Turkigu uu ogolaasho la’aan soo geliyay ciidamadooda Dalkooda.
Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in ugu yaraan 150-askari oo Turkish ah oo 20 illlaa 25 taangi wata ay xukuumadda Turkigu u...
Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkii 14-qof lagu dilay toddobaadkii hore ka dhacay gobolka California ee Mareykanka, iyagoo ISIS ay sheegtay Sabtida Maanta ah inay weerarkaas fuliyeen laba qof oo is-qaba oo iyaga ka tirsan, iyadoo FBI-da Mareykanka ay sheegeen in weerarkan uu ahaa...
Saraakiil ka tirsan millateriga Somalia ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 13-dagaalyahan oo Al-shabaab lagu dilay iska-hor-imaad Al-shabaab ay kula galeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Shiinaha Xinhua.
Taliyaha ciidamada millateriga Somalia ee gobolka Hiiraan Maxamed Cumar...
Ciidamada Amniga Kenya ayaa 28-qof oo Soomaali ah ku xiray deegaanka Balambala oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka, xilli aad loo adkeeyay soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
James Kianda oo ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Gaarisa ayaa dadka Soomaalida ah ee ay...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan gaar ah oo uu xalay kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Shiinaha, Xi Jinping magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika .
Xasan Sheekh ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballan-qaaday inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ah ka fulinayo guud ahaan Somalia, isla...

















