Wararka naga soo gaaraya eheladii iyo dadkii ay ka dhasheen dadkii dhaawaca ahaa ee ku dhaawacmey dagaalkii G/kacyo isla markaasna xamar loo soo qaadey ayaa cabasho ka muujinaya dar xumo daryeel la’aan ku heysata magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaal Digfeer oo ay maamulaan dhaqaatiir Turkish ah.
Dadka dhaawaca ah ayaa tiradoodu waxey ahey 9 qof oo laga sooqaadey dhinaca puntland,iyadoo markii isbitaalka la keeney meeshi looga kala dhqaaqey hadey tahey dawlada dhexe iyo xafiiska R/W Cumar C/rashiid iyo hadey tahey dhinaca maamulka puntland.
DHaawaca ayaa sadex kamid ah waxaa la jiifiyey isbitaalka halka lixdii kale banaanka lagu soo tuurey,ayna ku dacdaresanyihiin meel aaney cidna ka aqoon,xafiiska R/W Cumar C/rashiid ayaa xaq loogu leeyahey dadkaas daryeelkooda isaga ayaana Xamar u qaadey ee waa in uu dadkaas daryeelaa ama guryaheena uu noogu soo celiyo wixii alle u qorey ayey marayaane ayey yiraahdeen dadkii ay ka dhasheen dhaawaca dhibaatesan iyagoo eheladu ku suganyihiin magaalada G/kacyo dhinaca Puntland.
Ugu danbeyntiina arintan ayaa muujineysa in siyaasiyiintu aaney wax dan ah ka laheyn dadka ku wax yeelooba dagaalada ay marka hore hor boodayaan dhimashada iyo dhaawaca shacabkuna ay u yaalaan oo kaliya qoyska iyo ehelada ay kasoo jeedaan sidaas darteed waa in ay shacabku fahmaan siyysiyiinta dhiigooda wax ku helaya ama ku noqonaya.