Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta meel-mariyay Sharciga Saxaafadda Dalka, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, iyadoo sharcigan muddo ay xildhibaannadu ka doodayeen.
Kulankii baarlamaaka ee maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen 142 xildhibaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo meel-marin lahaa sharciga lagu dhaqi doono saxaafadda Soomaaliya.
Dood kaddib ayay xildhibaannada...
Gacan-yarihii iyo waardiyihii Osama Bin Laden oo la oran jiray, Nasser al-Bahri ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Yemen, kaddib muddo dheer oo uu xanuunsanaa, Sida ay Warbaahinta u sheegeen howlwadeeno ka tirsan waaxda caafimaadka dalka Yemen.
Hawl-wadeenadan ayaa sheegay in Nasser al-Bahri oo Yemeni ah uu dhintay Sabtidii lasoo...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada Houston, Taxes ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, ahna gudoomiyaha Xisbiga Tayo, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.
Mudane Farmaajo ayaa jaaliyadda Houston kala qayb-galay barnaamij loogu magac-daray Qaaraan Qaran oo ah qorshe lagu taageerayo Xisbiga Tayo, iyadoo goobtaas ay goobjoog...
Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe weerar saacado badan qaatay ku qaaday degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iska-horimaadkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qoryooley, Cabdi Axmed Cali oo maanta la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dhankooda uu dagaalka kaga dhaawacy askari,...
Wareegto ku taariikheysnayd 24-kii bishan December oo kasoo baxday maanta wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Xukuumadda Somalia ayaa lagu xusay in guddoomiyihii hore ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, Siciid C/qaadir Siciid mar kale dib loogu magacabay xilkaas.
Siciid C/qaadir ayaa xilka ka qaaday bishii Juun ee sannadkan 2015-ka guddoomiyihii...
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta soo gaaray Kismaayo, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Jubaland, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Jubaland.
Taliyaha iyo saraakiishii kale ee la socday ayaa soo dhaweynta...
Al-shabaab ayaa toogasho ku dishay laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada DFS iyo ruux kale oo ahaa mas’uul deegaan yar oo ka tirsan yaalla gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Somalia, sida uu sheegay afhayeenka Al-shabaab iyo dad deegaankaas ku nool.
Toogashadan ayaa ka...
Xaflad ay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ku taageerayeen Ilhaan Cumar ayaa maalintii Khamiista ahayd ee 24 December, 2015, lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa ah gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa kursiga baarlamaanka Minnesota ee degmada 60-B.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha...
Xaflad lagu caleemo-saaray guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ay ka soo qeyb-galleen xubnaha maamulka gobolka, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, haweenka, ururada dhalinyarrada, , saraakiisha ciidammada dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu qabtay hoolka shirarka...
IBRAAHIM XABEEB NUUR oo Xildhibaan kasoo noqday baarlamaankii hore ee Somalia ayaa maanta wuxuu Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynenimada maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaddib Munaasabad ballaaran oo uu Muqdisho ku qabtay.
Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan...
















