Wareegto ku taariikheysnayd 24-kii bishan December oo kasoo baxday maanta wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Xukuumadda Somalia ayaa lagu xusay in guddoomiyihii hore ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, Siciid C/qaadir Siciid mar kale dib loogu magacabay xilkaas.
Siciid C/qaadir ayaa xilka ka qaaday bishii Juun ee sannadkan 2015-ka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen [Muun-gaab], waxaana xilkaas loo magacaabay Axmed Xasan Yalaxoow oo isna maanta xilkaas laga qaaday.
Hadaba akhriso wareegtadii ka soo baxdey wasaaradda arrimaha gugadaha D.F.S.






