Tuesday, August 25, 2026
Kulan ay maanta yeesheen xubnaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ujeedadiisu ahayd in looga doodo codsiga Madaxweeynaha Jubbaland ka yimid oo ahaa in mar sedexaad ay mudaneyaasha waqti kordhin u sameeyaan iyo weliba sharciga ah in qofka ka tirsan Baarlamanka Jubaland uu noqon karo Wasiir. Kulanka oo uu shir-guddoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland...
Doorashooyinka madaxnimo iyo tan baarlamaanka ayaa maanta ka billowday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo ay sannado ka jireen colaado u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas kuwada nool. Xilka madaxweynaha ayaa waxaa u tartamaya 30-murashax, kuwaasoo mid uu dadaal ugu jiro sidii uu u bedeli lahaa madaxweynaha KMG-ka ah ee dalkaas, Catherine...
Maamulka degmada Buulo-burte ayaa sheegay inay hawlgal saacadihii aynu soo dhaafnay ka sameeyeen deegaanno hoos-taga degmada Buula-burte kula wareegeen fariisimo ay saldhigyo ay deganaayeen Al-shabaab. Guddoomiyaha Buula-burte,C/casiis Duuroow ayaa sheegay in hawl-gal ay ka sameeyeen galbeedka degmada, ayna kula wareegeen dhowr deegaan. “Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaa ciidanka...
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga hadlay Ansixinta sharciga saxaafada Somalia, isagoo xusay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan. Maareeye ayaa xusay in xeerkan uu yahay kan ugu fiican adduunka oo dhan, isla markaana la filayo inuu noqdo...
Ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa shalay ka dhoofay Muqdisho, iyadoo xilliga shaqadiisu ay ku eg-tahay Khamiista berri ah, isagoo sheegay in guulo lagu tallaabsaday intuu ka howlgayay Somalia. Danjire Kay oo maanta u warramayay VOA-da isagoo ku sugan Nairobi ayaa u sheegay in guulaha la gaaray...
Ciidamada Booliiska dalka Koonfurta Afrika ayaa billaabay baaritaanno ay ku baadi-goobayaan saddex dumar ah oo afduub u gaystay nin 33-jir ah, ninkan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu afduubay deegaanka Kwazakhele ee ka tirsan gobolka Port Elizabeth, iyagoo haweenkani ay si awood ah ku kufsadeen.   Wararku ayaa intaas ku daray...
RW-hii hore ee Israa’iil, Ehud Olmert ayay maanta maxkamada sare ee Israa’iil waxay ku xukuntay 18-bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay fadeexad laaluush uu qaatay ah, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu sarreeyay oo xil kasoo qabtay xukuumadda Israa’iil oo xukun noocan ah uu ku dhaco. Olmert oo 70-jir ah...
Taliyaha Ciidamada Millateriga Dalka Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee loo yaqaanno KDF ay Somalia sii joogi doonaan, isgaoo intaa ku daray inay ka tirsan yihiin AMISOM ayna sii wadi doonaan howgallada dhanka ka ah Al-shabaab. Jen. Mwathethe ayaa sheegay in dagaalka ciidamadoodu kula jiraan...
Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iiyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa manta shaaciyay in Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu furmi doono Toddobaadka nagu soo aaddan. Odawaa oo war-fidiyeenka kula hadlayay magaalada...
Madaxwynaha dalka Turkiga, Recap Tayyib Erdogan ayaa uga baaqay dalalka muslimiinta ah ee caalamka inay u midoobaaan dagaalka kooxaha argagixisada ah lagula jiro. “Muslim ahaan…. waxaa inoo taalla hawl muhiim ah oo ah inaan dhamaanteen u midowno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko Haram iyo Al-shabaab;...