Labo nin oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa D.F.S oo dagaalyahanada Al-shabaab ay toogasho ku fuliyeen.

0
541

Al-shabaab ayaa toogasho ku dishay laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada DFS iyo ruux kale oo ahaa mas’uul deegaan yar oo ka tirsan yaalla gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Somalia, sida uu sheegay afhayeenka Al-shabaab iyo dad deegaankaas ku nool.

Toogashadan ayaa ka dhacday Arbacadii lasoo dhaafay deegaanka Bariirre oo qiyaastii 50-km Koonfur kaga beegan Muqdisho, iyadoo goobta toogashadu ka dhacaysay la isugu soo ururiyay boqolaal qof oo daawanayay toogashada labadan ruux.

“Waxay Al-shabaab noogu yeereen inaan isku soo baxno. Waxaanu u maleynaynay inay na wacdinayaan, balse waxaan aragnay laba nin oo gacmaha iyo lugaha laga xiray… daqiqado kaddibna goobtii ayaa lagu toogtay wayna dhinteen,” ayuu yiri Axmed Aadan oo ka mid ah dadka deegaanka oo u warramayay Reuters.

Xoogagga Al-shabaab ayaa Bariire la wareegay muddo laba bil laga jogo. Waxayna labada ruux ee ay dileen ku kala sheegeen madaxii deegaanka Mareerey oo ay Al-shabaab bishaan December 2015-ka la wareegtay, Ruuxa kale ayaa isagana lagu sheegeen inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia, kaasoo ay sheegeen inay kasoo qabteen badda.

“Labada nin waxaan ku toogannay sida uu qabto sharciga Islaamka,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo warbaahinta la hadlayay dilkaan kaddib.

Afhayeenka Al-shabaab u hadlay ma uusan sheegin dambiyada ay galeen labadaan ruux ee ay toogteen, laakiinse Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore deegaannada ay ka taliyaan ugu dilay dhowr qof oo ay ku eedeeyeen dambiyo kala duwan oo uu ka mid yahay jaajusunimo.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa weli ka taliya deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay sheegeen inay kusoo rogteen ku dhaqanka shareecada Islaamka, inkastoo deegaanno badan laga qabsaday.