Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye oo baarlamanka FS ka tirsan ayaa lagu dhaawacay maanta Muqdisho, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaaadeen, iyadoo sidoo kale ay weerarkaas ku dhinteen darawalkiisii iyo mid ka mid ah ilaaladiisii.
Mudanahan oo lagu Weeraray Degmada Xamar-weyne, ayaa waxay kooxahan ay rasaas ku fureen, xilli...
Khilaafkii Xisbiga UCID soo dhex-galay, ayaa cirka isku sii shareeray, waxaanay u Qaybsameen garabyo kala taageersan musharaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabbe, ayaa sheegay inuu xilkii uu Xisbiga ka hayay ka qaaday guddoomiye ku xigeenkiisa, Cali Gurey isagoo xilkaasna...
Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen tiro Hoobiyeyaal ah oo Goor-dhow lagu weeraray Xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kuwaasoo ku dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigleey iyo Hawl-wadaag.
Hoobiyeyaashaan, ayaa waxay qaarkood ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aan la sheegin khasaare ay...
Hay’adda gaargaarka ee Dirrect Aid, ayaa maanta deeqo Gaadjsiiyay Gobollada Awdal, Selel iyo Degmooyin hoos-yimaada Gobolka Maroodi jeex, waxaa iskugu jireen biyo iyoraashin.
Guddoomiyaha Hay’adda Dirrect Aid, Xasan Badawi iyo Mas'uulka Sare ee Hay’addaan, Maxamed Aadan Askar ayaa sheegay inay deeqan ka bilaabeen deegaannada Hargeysa ka xiga dhinaca Koonfurta, oo...
Xukuumadda federaalka Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa Caawa heshiis Rasmi ah ku kala Saxiixday Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, kaasoo ay qayb ka tahay inay Puntland ogolaatay in Doorashada dhammaadka Sanadkan ka dhici doonta Soomaaliya lagu saleeyo nidaamka 4.5-ka oo ay horay u diidday.
Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Dowladda Federaalka...
Xukuumadda Somalia ayaa maanta Hal Milyan oo doollar ugu yaboohday Somaliland, si loogu caawiyo shacabka ay saameynta xooggan ku yeesheen Abaaraha ka taagan gobollada ka tirsan Somaliland.
Deeqdan lacageed ayaa la gaarsiiyay isla maanta Magaalada Hargeysa, Waxaana Garoonka diyaaradaha ee Cigaal xubno ka tisran Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland iyo xubno...
Maamulada degmooyinka Mandera iyo Beled-xaawo ayaa ballan-qaaday - isla markaana hoosta ka xarriiqay in si wadajir ah ay uga shaqeyn doonaan ka hor-tagidda Weerarrada Argagixisanimo iyo fal-dambiyeedyada kale, Waa sida hadalka loo dhigaye.
Kulan ka dhacay gudaha Madheera oo ay labada dhinac ka Qayb-galeen ayaa lagu sheegay in dhinaca Somalia...
Magaalada Muqdisho, ayaa Maanta looga dhawaaqay Is-baheysi loogu magac-daray Rajada Somalia; iyadoo furitaankiisa ka qayb-galeen qaybaha kala duwana ee bulshada iyo bahda saxaafadda.
Ugu horreyn, Waxaa goobta ka hadlay, Faahfaahinna ka bixiyay Isbahaysiga Rajo C/casiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah aasaasayaasha isbaheysigan, isagoo sheegay in ujeedka loo daah-furay ay...
Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa loogu baaqay inuu da-dajiyo qorshe ciidammo nabad ilaalin ah loogu dirayo Burundi oo weli uu Qalalaase ka taagan yahay, wuxuuna baaqaani ku yimid Qaraar ay soo gudisay dowladda Faransiiska.
Qaraarka Xukuumadda Paris ayaa ku baaqaya in ciidanka Qaramada Midoobay ka socda ee...
AMISOM ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen maanta in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir xalay u fuliyeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliyaha AMISOM ee Qaybta 1-aad, Jen, Sam Okiding ayaa...














