Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa oo qorsheyneysa in ciidamo nabad illaalin ah loo diro dalka Burundi.

0
650

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa loogu baaqay inuu da-dajiyo qorshe ciidammo nabad ilaalin ah loogu dirayo Burundi oo weli uu Qalalaase ka taagan yahay, wuxuuna baaqaani ku yimid Qaraar ay soo gudisay dowladda Faransiiska.

Qaraarka Xukuumadda Paris ayaa ku baaqaya in ciidanka Qaramada Midoobay ka socda ee la geynayo Burundi ay ahaadaan kuwo loo marayo dowladda dalkaas, taasoo ay sabab uga dhigtay si looga fogaado xiisado ka abuurma ciidamadan la geynayo Burundi.

Burundi ayaa waxaa ka taagnaa tan iyo bishii Abriil ee sanadkii hore 2015-ka qalalaase ka dhashay go’aankii Madaxweyne Nkurunziza uu ku sheegay inuu mar saddexaas hoggaanka dalkaas u tartamayo, kuwaas oo sababay inay ku Geeriyoodaan boqollaal Ruux oo shacab u badan.

Beesha Calaamka iyo waddamada gobolka ayaa waxay walaac xooggan ka qabaa inuu inuu sii xoogeysto qalalaasaha ka taagan waddankaas, isla markaana uu isku beddelo colaado ku saleysan qowmiyad oo mar kale ka dillaaca dalkaas.

Safiirka Faransiiska ee Qaramada Midoobay, Francois Delattre ayaa Golaha Ammaanka ee QM u sheegay inay tahay in Golaha Amaanku uu guto Waajibka ka saaran sidii looga Hor-tegi lahaa xiisadaha Burundi inay faraha ka baxaan.

Xukuumadda Faranskiisa ayaa waxay doonaysaa in ciidammo QM ka socda Dalka Burundi la geeyo, si ay uga hor-tagaan colaad salka ku haya qowmiyado inay ka dillaacdo mar kale dalka Burundi.

Dhanka kale, Ban Ki-Moon ayaa la filayaa in dowladda Burundi uu kala tashan doono sidii qorshaha la doonayo in ciidammo ka socda QM lagu geyn lahaa Dalkaas, balse Nkurunziza ayaa xilli hore sheegay in uu kasoo hor-jeedo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay fara-gelin ku sameeyaan dalkiisa.

Ururka Midowga Afrika ayaa meesha ka saaray Qorshe uu ciidammo Nabad-ilaalin ah ugu diri lahaa dalka Burundi, kaddib markii xukuumadda Burundi ay ku Hanjabtay inay dagaal kala hor-tagayso ciidammo kasta oo dalkeeda la keeno iyadoo aan lagala tashan.

Ugu dambeyn, Bishii Jannaayo ee sanadkan, ayay QM shaacisay in ay heshay caddeymo la xiriira inay ciidamada Amniga Burundi kufsadeen haween fara badan xilli ay baaritaano ka sameynayeen Guryo ay Hoggaanka mucaaradka ku leeyihiin Bujumbura oo laga Shakiyay, sidoo kalana waxaa la sheegay inay jiraan cadeymo kale oo la xiriira Xabaalo wadareedyo.

beco2