Wednesday, August 26, 2026
Allaha u raxmadee Marxuum Cismaan Daahir ayaa xalay lagu toogtay Koonfurta Magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada 31-ka May. Kooxo hubeysan oo aan wali la aqoonsan ayaa marxuumka toogtay waqti uu gurgiisa wax yar u jiray, iyadoo aan weli la garanayn sababta loo toogtay marxuumkan. Marxuum Cismaan ayaa wuxuu ahaa Ganacsade bakhaar ku...
Muuqaal naxdin leh ayaa waxaa laga duubay Nin af-la-gaadeeyay haweeney Soomaaliyeed oo ku sugnayd dukaan ku yaalla Galbeedka Magaalada London ee xarunta dalka Britain. Sidoo kale, Muuqaalkaan - ayaa muujinayay ninkan oo cay iyo erayo Afla-gaaddo ah isugu daraya Gabadhaas Soomaaliyeed ee Xijaabneyd, iyadoo Muuqaalkaan uu ku baahay baraha ay...
Wafdi ka socda dowladda Federaalka Somalia oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Maanta gaaray Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan. Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte waxaa ku soo dhaweeyay wafdiga maamulka degmada iyo qeybaha kala...
Kulan degmada Baydhabo ee gobolka Bay lagu qabtay maanta oo ay ka qayb-galeen Bulshada Qaybaheeda oo ay ku jireen Ardayda Jaamacadaha Baydhabo dhigta, ayaa waxay Cambaareeyeen kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka cunno-qabateynta hubka Soomaalya iyo Eritrea. Shirkan oo ka dhacay Xaafadda wadajir ee Baydhabo, ayaa sidoo kale waxaa ka...
Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday, halka 12-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, kadib hoobiyeyaal fiidnimadii Caawa ku dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir. Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda deqeyntan, ayaa haddana waxaa lagu soo beegay xilli habeen ah, iyadoo...
Maamulka Khaatumo ayaa Maanta shaaciyay in xiriirka ay u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu saameyn culus ku yeeshay heshiiskii ay Xukuumadda Somalia iyo maamulka Puntland ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaaladda Garoowe. Kulan ay Mas’uuliyiinta Khaatumo ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, ayay kaga hadleen heshiiskii ka dhacay Garoowe oo...
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM oo is-garabsanaya ayaa goor-dhow la wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay maalmihii aynu kasoo gudubnay kaabiga ku hayeen. Col. Maxamed Muumin Cilmi (Saneey), oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda FS...
Waxaa Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ka socda maalintii saddexaad shirweynaha dib-u-hishiisiinta ee gobolka Hiiraan oo si rasmi ah u furmay 03-dii bishan Abriil. Shirkan oo ay daah fureen duubabka ugu waaweyn gobolka Hiiraan oo ay dhinac kale ka qeyb-qaadanayaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka, xubno ka tirsan qeybaha kala duwan ee...
Dad Soomaali ah ayaa sida la sheegay ku waxyeeloobay buudo dhawaan duntay magaalada  Kolkata ee dalkaasi India.   Tirada dadka ku dhintay musiibadaasi  ayaa lagu soo waramay in ay gaartay ilaa 23 ruux, waxaana wali laga cabsi qabaa in ay sii badato sida ay saraakiisha India ay warbaahinta u sheegeen.Buundadaas ayaa...
Waxaa maanta magaalada Geneva, Switzerland kasocda shir muhiim ah oo ku saabsan arimaha gargaarka baniaadminimada. Shirkaa ayaa wuxuu kusaabsan yahay kala dhimanaanshiyaha arimaha gargaarka. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda ururada aan dawliga ahayn, QM iyo waliba wakiilo ka socda Bisha Cas iyo Laankheyrta Cas. Hayadahaas ayaa waxay...