Webiga Shabeelle ayaa biyo badan soo fatahay ayadoo roobabkii xilligaan la filaayay ay si wanaagsan uga hooreen nawaaxiga Jawhar.
Dadka ku dhaqan nawaaxiga Jawhar ayaa haatan ka cabsi qaba in fatahaada webi Shabeelle ay sii kororto maadaama roobabku weli da'ayaan.
Durba waxaa fatahaaduhu barakiciyeen dad badan oo dagganaa deegaanada BaarreyGumbi, Bayaxow,...
-Gobernatooraha Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in degmadaa ay falal dambiyeed la dageen.
Cali Roba ayaa intaa raaciyay in horumarka uu fal dambiyeedku hoos u dhigay oo horumarku uu haatan yahay mid gaabis ah. Cali Roba wuxuu sheegay in fal dambiyeedku uu tanaazul usameeyo adeegyada ama khadamaadka iyo koboca dhaqaalaha...
Saddax ruux oo labo ka mid ah la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax miino deegaanka Ceel cali ee galbeedka gobolka Hiiraan.
Askartaan dhaawucu soo gaaray, ayaa la sheegay inay xilligaa at ku sugnaayeen koontarool lacagaha lagu qaaday, waxaana dhaawacooda lagu dabiibayaa isbitaal...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo hadda ku shaqeeya Baydhabo.
Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaray xarunta madaxtooyada Koonfur-galbeed oo dhawaan laga dhisay degmada Baraawe....
Musharixii xisbiga jamhuuriga Askar oo tartanka uga harey musharaxadii xisbiga dimuquraadiga Ilhaan.
Murashaxii xisbiga Jamhuuriga ee aqalka degmada ee Minneapolis ayaa sheegay inuu soo afjaraayo ololihiisa si uu u qabto hawlo la xiriira qoyskiisa.
Cabdimaalik Askar iyo Ilhaan ayaa waxaa ay ku loolamayaan kursiga degmada 60B ee Minneapolis.
Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay tartankii ugu horeeyay ee loo galo xafiis dawladeed Mareykanka...
Safiirka Dowladda Somalia u jooga Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka mareykanka.
Socdaalka Safiirka iyo wafdigiisa waxa uu salka ku hayaa sidii uu ula kulmi lahaa qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Columbus ku soo dhaweeyay qaar ka...
Hal qof ayaa ku dhintay miino ku kacday gaari marayay inta u dhexeysa Raskiamboni iyo Kiunga shalay Sabtidii galinkii dambe.
Wadaadka lagu magacaabo Maxamed Shima ayaa ku dhintay isla meeshaa. Askari booliis ahaa oo safarka ku weheliyay ayaa asagu ka badbaaday qaraxaa iyo rasaas ka dambeysay oo lasheegay in lagu...
Dadka Afrikaanka ah ayaa sida la ogsoon yahay waxay labaatankii sano ee lasoo dhaafay isku maqiiqayeen oo galayeen Talyaaniga kadib marka ay ka tallaabaan biyaha badda Miditaraneanka ee u dhexeeya Talyaaniga iyo waqooyiga qaaradaan Afrika.
Afrikaanka ayaa Yurub u raadsada nolol cusub. Arbacadii dhaweyd markii dhul gariirku ka dhacay Talyaaniga...
Waxaa muran xooggan ka tagan yahay Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaliya, xilli ay la isku dayayo in la dhimo tirada ergooyinka soo xuleysa xildhibaannada baarlamaannada soo socda ee Soomaaliya.
Maalmahaan ayaa waxay kulammo is-daba-joog ah u socdeen Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Somalia, xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaasha...
Odayaasha beesha Garre ee Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya ayaa ka dalbay madaxda beesha qaarkood inaysan isu soo sharrixin jagooyinkii ay hayeen doorashada soo socota ee sanadka dambe.
Odayaasha Beesha Garre, Garre Council of Elders ayaa ka dalbay Senetarka Mandheera, Bilow Kerow iyo Gobernatooraha Mandheera Cali Roba inaysan xilalkaa isu...

















