Tuesday, September 8, 2026
Xoogagga Al-shabaab, ayaa dhawaan la Wareegay gacan ku heynta deegaanka Moqokori oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaddib markii ay halkaa isaga bexeen ciidammada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Dadka ku sugan deegaanka Moqokori oo aan xiriir kala duwan la sameynay ayaa inoo sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab halkaa...
Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa billowday qorshe lagu diiwaan-gelinayo Goobaha Ganacsi ee magaalada, iyadoo goobahaasi laga buuxinayo Waraaqo ay ku qoran tahay su’aalo. Su’aalaha la weydiinaayo ganacsatada, isla markaana laga buuxinayo ayaa waxaa ka mid ah nooca ganacsi jumlo ama tafaariiq, xilliga la furay ganacsiga, shati...
Maanata ayaaa waxay ku beegan tahay sanad guuradii saddexaad ee weerarkii Westgate ee caasimada Nairobi. Saddex sano ayaa haatan laga joogaa markii weerarkaa uu ka dhacay Nairobi Kenya. Waxay ahayd bishii 9aad maanta oo kale taariikh 21 sanadkii 2013 markii dabley ay weerar ku qaaday xarun laga dukaameysto oo kutaal...
Xukuumadda Ingiriiska ayaa shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kordhin doonaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya si loo xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya waxay ka jeedisay shirkii 71-aad ee Golaha Ammaanka QM, iyadoo ka hadashay arrimo badan oo...
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Laanta Af Soomaaliga ee Radio SBS ee Australia uga warramay Dacwadda ku Saabsan Muranka Badeedka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee Maanta ka billaabatay Maxkamadda Cadaalada ee Qaramada Midoobay oo Fadhigeedu Tahay Magaalada Hague ee Dalka Netherlands. Dr. Axmed Cali...
Wararka naga soo Gaaraya Degmada Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in sheegaya in Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab Weerar Jid-gal ah ku qaadeen ciidan ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku safrayay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Ceelbuur. Dagaalka oo saacado qaatay ayaa sababay in ay hakad gallaan...
Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay dhawaaqii ka soo yeeray Waddamada Beesha Caalamka ah ee doorashooyinka Somaliland gacanta weyn ka geysto oo dhawaan war-murtiyeed ay soo saareen ka dalbaday madaxweynaha inaan la kala saarin labada doorasho. War-saxaafadeed oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa sheegay...
Afhayeenka aqalka madaxtooyada ee Kenya, Manoah Esipisu  ayaa maalintii shalay ahayd u aqriyay qodob dastuurka Kenya kujira gobernatooraha degmada qaadku ka soo go'o ee Meru ee Kenya Mr.  Peter Munya. Mr. Peter Munya ayaa lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa dhawaan wixii ka careysiiyay dawlada Soomaaliya ee Muqdisho ee...
Jen. Maxamed Rooble Jimcale (Goobaale) oo shalay lagu dilay Qarax Baabuur oo ay Mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana ka hadlay dilkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Somalia oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda Jinaasada kaddib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa Geesi ka wada dhintay Shacabka...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan Dowladda Federaalka Somalia marna ka Tanaasuli doonin Taako ka mid ah Badda Soomaaliyeed, xilli maanta ay Maxkamadda Cadaaladda ee Magaalada Hague ka bilaaban doonto dhageysiga Dacwada u dhaxeysa Kenya iyo Somalia. Xasan Sheekh ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabo inay...