Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa isugu yimid dhammaan hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawl gala Puntland.
Kulankaas ayaa ku saabsanaa abaaraha saamaynta ba'an ku haya qeybo badan oo ka tirsan Puntland.
Hay’ada dowliga ah ee Puntland u qaabilsan ka hortagga musiibooyinka iyo maarayntooda ayaa sidoo...
Saraakiisha booliska ee St. Cloud MN Mareykanka ayaa bixiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii mindida ee suuqa laga dukaameysto ka dhacay.
Weerarkaa ayaa waxaa geystay nin Soomaali Mareykan ahaa kaasoo nin boolis ah uu toogasho ku dilay 17kii bishii lasoo dhaafay. Haatan ayaa waxaa sidoo kale arinkaa baaritaan...
-Lix qof ayaa lagu dilay xalay xaafada Buulo Public ee magaalada Mandheera, Waqooyi-bari Kenya.
Dadkaa ayaa waxaa dilay dabley loo maleeyay inay ka tirsan tahay xarakada Al-Shabaab. 27 qof oo kale ayaa lasoo badbaadshay.
Sidaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay gobernatooraha Mandheera Cali Roba. Weerarka ayaa dhacay abbaare 2:45 xalay.
"Lix qof oo...
Ururka u dooda xaquuqda haweenka ee SGEM (KSJS) ayaa warqad furan u diray dawlad goboleedyada Soomaaliya.
Warqadaa ayaa ku socotay Mudane C/Weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane C/Kariim...
Ergada Maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta Ansixisay Dastuurka uu maamulka yeelanayo, sidoo kale waxaa la shaaciyay xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulkaas.
Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle uu yeelanayo - ayaa waxaa lagu Ansixiyay cod gacan-taag ah, iyadoo 202 xubnood oo ku sugnaa Hoolka Shirarka ay...
-Madfac ayaa xalay ku habsaday guri halkaa oo uu ku dilay dhowr qof oo isla hal qoys ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Madfacaa ayaa waxaa la sheegay inay tuureen ciidamo ka tirsan AMISOM. Masuul ka tirsan maamulka gobolkaasi Shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in madfacaasi dilay lix qof oo afar...
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta shir jaraa'id oo ku qabtay Garoowe waxaa uu kaga warbixiyay abaaraha ka jira Puntland iyo saameynta ay dadka ku yeelatay.
C/weli Gaas ayaa sheeegay inay jirto khartar weyn oo dhinaca abaarta ah, taasoo haatan ka jirta deegaanno badan oo ka tirsan Puntland,...
-Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha hawada aduunka.
Shirkaa ayaa ka socda magaalada Montreal ee dalka Canada. Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay dhowdahay in gebi ahaanba maamulka hawada Soomaaliya gacanta uu usoo galo dawlada federaalka...
Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa sheegtay in hawlgal ka dhacay Deegaanka Lambar 50 oo gobolka Shabeellaha Hoose a ka tirsan, halkaasoo lagu dilay xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Wasiir ku xigeenka Difaaca Somalia, C/lla Xuseen Cali oo warbaahinta DFS la hadlay ayaa sheegay in dulleedka deegaanka Lambar 50 lagu dilay 14 ruux...
-Kulan ay ku yeesheen Jowhar ergada shirka mamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Wasaarada Arimaha Gudaha waxay ku soo bandhigtay magacyo ku dhow 30 magac iyo noocyo calamo kala duwan ah oo gaarayay ilaa boqolaal.
Codeyntii magacyada ayaa bilaabatay waxaana shirka daadihinayay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada...

















