Ururka u dooda xuquuqda haweenka SGEM oo warqad furan u direy maamul goboleedyada soomaaliya.

0
434

Ururka u dooda xaquuqda haweenka ee SGEM (KSJS) ayaa warqad furan u diray dawlad goboleedyada Soomaaliya.

Warqadaa ayaa ku socotay Mudane C/Weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland,  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane C/Kariim Guuleed, Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Galmudug iyo mas’uuliyiinta u xulaya xubnaha Aqalka Sare Gobolada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

 

“Annaga oo ku hadleyna magaca xubnaha Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed (KSJS), fadlan naga gudooma mahadcelin ballaaaran oo ku socota hor u socodsiinta Madasha Hogaamiyayaasha Qaran ee nidaamka doorashooyinka dadban ee 2016”. Sidaa ayaa warqada lagu xusay.  

 

Madasha Hogaamiyayaasha Qaran waxay isku waafaqeen in Haweenka qoondadoodu noqoto ugu yaraan 30%-kuraasta aqal walba ee Baarlamaanka Federaalka ah (Aqalka Sare iyo kan Hoose.)

 

Waxaa sidaa si la mid ah loo qoondeeyay ugu yaraan 30% in ay haween noqdaan ergada doorashada.

 

‘Annaga oo tixgalinayna awooddaada hogaamin,KSJS iyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed waxay filanayaan in aad xaqiijineysid in ugu yaraan 3 haween ah ay u matalaan dawlad goboleedkaaga Aqalka Sare. Waxaan kale oo ku baaqaynaa in ugu yaraan ay kahelaan 30% matalaadda Aqalka Hoose iyo ergada doorashooyinka dadban ee lagu qaban doono dawlad goboleedkaaga’. Intaana waa lagu xusay warqadaasi furan.

 

Sanooyinkii tagay, haweenka Soomaaliyeed waxay kaalin mug leh ka galeen halgankii madaxbannaanida, badbaadinta qoysaska iyo dib u dhiska dalka wixii ka danbeeyay bilowgiii dagaalkii sokeeye.

 

‘Inkasta oo doorkoodu lama huraan yahay,haddana codka haweenka iyo ka qayb qaadashadooda inta badan waa la qiimo tiray, laga tagay oo la iska indho tiray.Waxaan rajaynaynaa doorashada dadban ee 2016ka in uu hadalku is badelo. Sida xaqiiqda ah innagoo tixraacayna in haweenku yihiin boqokiiba konton, waxay noqon doontaa mid ku wanaagsan maamulkaaga xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ka ah’. Sidaa ayay yiraahdeen xubnaha ururka SGEM.

 

Xubnaha KSJS waxay si gaar ah u falanqeeyeen, jawaabna ka bixiyeen qoraalka hiigsiga 2016 ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dastuurka Qabyada ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo dastuurada iyo qorshaha siyaasadeed ee dowlad goboleedyada si loo galiyo jaangooyada jinsiga, iyada oo ujeedadu tahay in la jideeyo ugu yaraan 40% in ay noqoto qoondada haweenka ee jagooyinka la magacaabo ama la soo xulo.

 

KSJS waa kacdoon caalami ah oo aan dhinac raacsanayn oo ka kooban 9,000 oo ah haween Soomaaliyeed oo kala duwan, joogana dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaas oo u midoobay si ay ugu ololeeyaan sinnaanta jinsiga Soomaaliyeed.

 

Hadafka KSJS waa in la joogteeyo dhaqdhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa jooga ee ay ka go’an tahay in ay sare u qaadaan sinnaanta jinsiga iyo tan bulsho ee golaha go’aan gaarista arrimaha dadweynaha ee 2016 iyo wixii ka dambeeya.

 

Waqtigan xaadirka ah, KSJS wuxuu ku howlanyahay wacyigelinta iyo u ololaynta haweenka Soomaaliyeed kaqabyqalkooda doorashada dadban ee 2016 ka iyo sida ay ku heli lahaayeen matalaad u qalanta.

 

KSJS wuxuu ku baaqayaa oo hoosta ka xariiqayaa in dawlad goboleedyadu ay tixgeliyaan dejinta siyaasadaha lagu hormarinayo sinnaanta jinsiga.

 

Wuxuu KSJS rajaynaynaa in dawlad goboleedyadu hirgalin doonaan heshiisyada Golaha Hogaamiyayaasha Qaran ee la xiriira kootada ah ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo loo qoondeeyay haweenka iyo 30% ka midnoqoshadooda ergooyinka doorashada.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak