Hillary Clinton Waxay sheegeysa inay ku kalsoon tahay in baaritaanka FBI-da ee email-lada cusub ee lasoo bandhigay aysan Sababi karin in lagu helo kiis ayada ka dhan ah.
Musharraxa Madaxweyne ee cisbiga Dimuquraadiga, waxay taageerayaasheeda u sheegtay in baarayaashu ay gaari doonaan gebogebo la mid ah baaritaankii bishii July oo...
Maamul-goboleedyada Somalia iyo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Maalmahaan uu shir uga socday Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo maanta oo Talaado ah.
Maamul-goboleedyada, ayaa cusmaad ka helay Xukuumadda Imaaraadka, waxaa kulankan aanan lagu casuumin madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Iyadoo kulammadan ay...
-Xog-hayihii guud ee ururka iskaashiga islaamka Iyad Abadi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay ururka sababo la xiriira xaaladiisa caafimaad.
Xoghayaha xilka ka tagay Iyad Abadi oo 70 sano jir ah, ayaa xilkan xoghayaha ururka iskaashiga islaamka qabtay sanadkii 2012 kii, waxaana wararku sheegayaa in ay dhinaca siyaasada ku...
-Dowladaha Kenya iyo Sudan ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqeyn ah oo ku aaddan sare u qaadida howlaha la xiriira wax soo saarka shidaalka iyo macdanta.
Kenya ayaa la filayaa inay si weyn uga faa’iideysato heshiiskaa maadaama ay Sudan khibrad u leedahay horayna u sameysay wax soo saarka macdanta iyo shidaalka...
Xoogagga Al-shabaab ee dhawaan la wareegay deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Bakool ayaa lagu waramayaa in ay halkaa ku dilleen tiro dad rayid ah tan iyo markii ay halkaa la wareegeen.
Dadka ay dilleen Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay isugu jireen ganacsato iyo dad kale oo rayid ah oo ay...
Dowladaha Kenya iyo Tanzani ayaa isku afgartay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay in dib loo soo dhiso gudi iskaashi oo labada dhinac ka socdo kaas oo horseed u ah in labada wadan ay sare u qaadaan ganacsiga u dhaxeeya.
Shir saxaafadeed shalay aqalka madaxtooyada ee dalka Kenya ay kuwada qabteen...
-Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland C/qaadir Iimaan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in la xaday xogta ku saabsan doorashooyinka Soomaaliland.
Waxaa uu sheegay xogta doorashooyinka Soomaaliland in ay tahay mid qaran, arrimaha la isla dhexmarayana ay yihiin kuwo been abuur ah...
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa Maanta Shaaciyay in la Qabtay Shabakado si aan sharci ahayn uga dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kwa maamullada dalka.
C/risaaq Cumar ayaa sheegay in shabakadahaan ay isugu jireen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo kooxaha wax-tahriibiya, kuwaas oo uu sheegay...
Dowladda Faransiiska, ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxayso Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, kaddib markii ay sheegtay in hawl-galkii ay ka wadday dalkaas lasoo gaba-gabeeyay Manta oo Isniin ah.
Saddax sano ka hor ayay Dowladda Faransiisku fara-gelin ku sameeyay dalkaas xiligaasoo ay ka socdeen dagaallo sokeeye. kuwaasoo billowday Sanaddii 2013-kii,...
Xoogagga Amniga Itoobiya ayaa xabsiga kasii daayay illaa 2,000 oo qof oo Todobaadyadii la soo dhaafay la xiray, sida ay baahisay Warbaahinta Fana oo xiriir la leh Xukuumadda Itoobiya.
Maxaabiistan xabsiyada laga sii daayay, ayaa horay loogu eedeeyay inay ku lug-lahaayeen rabshadihii Dalkaas ka dhacay billooyinkii la soo dhaafay, kuwaasoo...

















