Kim Jong-Un Madaxweynaha K/kuuriya oo La Xaqiijiyey in uu Booqdey Dalka Shiinaha Caasimaddiisa Beijing.

0
422

Hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi , Kim Jong-un, ayaa kulan kula qaatay magaalada Beijing madaxwaynaha Shiinaha , Xi Jingping.

Wakaaladda wararka Shiinaha ee (Xinhua) ayaa sheegtay in Mr Kim uu sheegay in ay xukuumadda Pyongyang ay ka go’an tahay in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda Niyukleerka.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Kuuriyada Waqooyi ay wadahadal la yeelan doonto dowladda Mareykanka.

Waa booqashadiisii ugu horreysay oo uu dibadda ku tago tan iyo intii uu awoodda la wareegay 7 sano ka hor.

Christopher Hill waxa uu horey Mareykanka ugu qaabilsanaan jiray wadaxaajoodka Kuuriyada Waqooyi ee barnaamijka Niyukleerka ayaa BBC u sheegay in kulankani uu yahay mid muhim ah.

Mr Kim aya lagu wadaa in bisha April uu la kulmo madaxwaynaha Kuuriyada Konfureed Moon Jae-in , halka madaxwayne Donald Trump lagu wado in uu la kulmo bisha May.

warsom2011@gmail.com