Tuesday, June 30, 2026
Booliska gobolka California ayaa xaqiijiyay dhawaaca saddex ruux kadib marki haweeney ku hubeysneyd bistoolad ay rasaas ku furtay dad ku sugnaa Xarunta ugu weyn Website-ka laga daawado muuqaalada ee Yutube ee ku taalla magaalada San Francisco. Haweeneydan oo aanay wali Booliska shaacin magaceeda ayaa marki danbe is dishay kaddib markii...
Magaalada Muqdisho ayaa ku sugan saakay marxalad ka duwan sidii ay aheyd labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaana la oran karaa Muqdisho waxaa ay ku waabariistay dareen siyaasadeed iyo shaki bulshadu ka qabaan kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka oo waqtigan soconaya. Waa arin ku cusub kulamadii ay horay u yeelan...
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay laga soo bilaabo xalay waxaana xiran dhamaanba jidadka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gadiidka oo la dhigay ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka. Xirnaashaha caasimada ayaa imaneysa xili maanta lagu waddo in kulan xasaasi ah xarunta Golaha Shacabka ku yeeshaan xildhibaannada Baarlamaanka...
Khilaafka Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo u muuqday mid sii shiiqaya wixii ka danbeeyay Sabtidii aynu soo dhaafnay kaddib markii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada iska soo horjeeda, ayaa mar kaliya saacadihii ugu danbeeyay ee maanta cirka isku...
  Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaa soo waxyaabaha qarxa u Aasaayay waddada u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay. Waxaa ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed in la qabtay labo qof, kuwaasoo Miino ku Aasaayay Waddada. Afhayeenka...
Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay sheegay in Israa'iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato. Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore. Amiir Bin Salmaan ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic...
Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa sheegay Duqeyn ka dhacday gelinkii dambe ee Axadii ina dhaaftay meel u dhow degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud in ay ku dileen Shan dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab. Mareykanka wuxuu sheegay duqeyntaasi oo dhacday 1dii bishan in lala beegsaday fariisin ay ku...
Abaandullaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ku dhawaad 66 xubnood oo ka tirsan sida uu hadalka u dhigay xooggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday. Abaanduulaha ayaa...
Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegan qiyaastii 7km dhinac galbeed uga beegan ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux kaddib markii ay ku qarxday miino waddada dhinaceeda lagu aasay. Dadka qarax ku dhintay ayaa isugu jira, Hooyo iyo Afar caruur ah oo ay dhashay...
  Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra'iisul wasaare cusub u doortay Abiy Axmed, waxaana islamarkiiba loo dhaariyay xilka. Abiy oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in "dimuqraadiyadda curdanka ah" ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay. Kumannaan dad ah ayaa la xiray, tiro aan la ogaynna way dhinteen...