Dalka Sucuudiga Hugaankiisa oo Sheegey in Dal ay Xaq u leedahey Israa’iil Iyadoo Haysata Dalka Falastiin.

0
519

Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore.

Amiir Bin Salmaan ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

Sacuudiga si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoon.

Sacuudiga iyo Israa’iil waxaa ay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah.

warsom2011@gmail.com