Maxkamada federaalka darajada sagaalaad ee racfaanka Mareykanka ayaa diiday in amarki uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka ineey soo galaan Mareykanka.
Guddi ka koobnaa sadex garsoore oo ka tirsan Maxkamada federaaliga ee Racfaanka ee magaalada...
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo horey u kala qayb-sanayd laba dhinac ayaa hadda mar kale dib la isugu furay wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay Maxamed C/laahi Farmaajo.
Dad-weyne aad u fara badan oo labada dhinac ah ayaa gacmaha is-qabsaday ,waxaana ay...
Ciidanka Booliska degmadda Berbera ayaa laba wariye ku xidhay magaaladdaasi, isla markaana xabsiga u dhaadhiciyey.
Labadan wariye oo kala ah Mubarag Cismaan Nirig oo ka hawlgalla Telefishanka Star iyo Axmed Siciid Maxmed oo isna uga soo waramay waaberi Tv oo marka la xidhay ku gudda jiray hawlo shaqo ayaaa ciidanka...
Sicirka lagu sarrifo doolarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee 4ta sano ee soo socota hoggaamin doona dawlada Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.
Sarrifleyaasha Muqdisho ayaa tilmaamay in sababta hoos u dhaca ay tahay ayadoo durba doolar badan caasimada...
Wali waxaa ka sii soconaya magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba gobollada dalka ee dalka Soomaaliya dibadbaxyo iyo dabaaldegyo ay dhigayaan shacabka Soomaaliyeed oo siweyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Max’ed Aadan ayaa sheegay in si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabada looga...
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay isbedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay in uu keeni karo nidaam, nabad iyo hormar.
Waxaa uu sheegay mar walba in loo baahnaa in dalka uu ka dhaco isbedel, isagoo sheegay Madaxweynaha cusub oo in uu ka rajeynayo isku keenida...
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dabaaldagyada ku soo dhoweeyay doorashadiisa inay joojiyaan isla markaana howlahooda caadiga ah qabsadaan.
Madaxweyne Farmaajo oo ay wareysatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada VOA-da ayaa u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed waxana uu sheegay in doorashada ay ku soo dhamaatay si guul...
Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhoweysay doorashadda madaxweynaha loogu doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxaanu ku dhiirigaliyeen inuu sii waddo wada hadaladdii u socday Somaliland iyo Soomaaliya.
“Somaliland waxay mar walba muhimadda iyo mudnaanta koowaad siinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah. Waxaanu soo dhaweynaynaa nabad, degenaansho...
Kumannaan dadweeyne ah ayaa saaka aroortii isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayagoo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn, waxaana dadkani ay qaarkood siteen calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayagoo sidoo kale ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay ku soo dhaweeynayaan madaxweeynaha cusub ee dalka.
Dadkan oo ka koobnaa, haween, carruur, dhalinyaro,...
Dibadbax maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaaajo.
Dibadbaxa oo ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen bulshada ku dhaqan qeybaha kala duwan ee xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka ururada haweenka...

















