Beledweyne oo si aad ah looga soo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

0
562

Dibadbax maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaaajo.

Dibadbaxa oo ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen bulshada ku dhaqan qeybaha kala duwan ee xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka ururada haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynta Cismaan oo hadal kooban u jeediyay dadkii isku soo baxay ayaa soo dhaweeyay doorashada Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay ah shaqsi la tijaabiyay wax badanna mudadii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa dalka ka qabtay dhismaha ciidamada iyo guud ahaanba heykalka dowladnimo.

Ugu danbeyntii, dhamaanba qeybaha kala duwanaa ee dibadbaxa ka qeybgallay ayaa ku ammaanay baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga tarjumeen rabitaanka shacabka, madaama sida ay hadalka u dhigeen baarlamaanku ka tarjumay rabitaanka shacabka.

Guud ahaan marka la eego deegaannada kala duwan ee Soomaaliya ayaa siweyn looga soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha Farmaajo.

warsom2011@gmail.com