Saturday, September 5, 2026
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antnio Guterres, ayaa hadda ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdishu. Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimaha Abaaraha Soomaaliya. Wariyaal ka tirsan Warsom oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa soo sheegaya, in amaanka garoonka aad loo adkeeyay,. Imaanshaha Antnio Guterres, saameyn xoogan kuma...
Taliyaha Saldhiga Magaaladda Cadaado Cumar Xuseen Muumin, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadda Nabadsugida ay gacanta kusoo dhigeen laba ruux oo lagu tuhmayo in ay Qoorta ka gooyeen, gabar yar oo 7-jir ah. “ Ciidamadda Booliiska iyo Nabadsugid, ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay labada ruux, waxaana ku wadnaa...
Deegaan lagu magacaabo Gaalleefta oo ka mid ah deegaanadda hoos taga magaaladda Jowhar ee xaruunta ku-meel gaarka maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Al shahaab ay dab qabadsiiyeen xalay. Masuuliyiinta degaanka, ayaa sheegay in tuullada ay bas-baxday, waxaana dadkii ku noolaa aysan heysan meel ay caawa ku hoydaan. “...
Xaflad balaaran oo lagu maamusayay maalinta Haweenka aduunka oo ku aadan 8 March ayaa lagu qabtay Xarunta looga arimiyo gobolka Ohio oo ku taal magaalada Columbus. Waxaa soo abaabushay Khadro Mohamed Shire oo ah aqoonyahanad u dhaq dhaqaaqda arimaha haweenka isla markaana madax ka ah Ururo kala duwan. Waxa ka soo...
Magaalada Muqdisho 24 saac ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo ay geysteen kooxo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Degmooyinka Yaaqshiid iyo Xamar Jabab ayaa kooxo hubeysan oo aan habeyntooda la aqoon waxaa ay ku dileen labo ruux. Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xalay gurigiisa...
Dagaal culus ayaa wuxuu galbeedka Mosul ku dhex maray xoogagga xukuumadda Ciraaq iyo mintidiinta dawladda Islaamka. Mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Ciraaq ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dagaalku uu ahaa kii ugu cuslaa, tan iyo markii la billaabay hawlgalka dib loogu qabsanayo qaybta galbeed ee magaaladaasi...
Waxaa wali soconaya soo daabulista dadka Soomaaliyeed oo ay sameeyeen dagaallada ka soconaya dalka Yemen, waxaana arinta iska kaashanaya safaarada Soomaalida ee dalkaas, hay’adda qaxootiga ee Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’addo kale oo caalami ah. Qunsulka guud ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan , oo loo yaqaano Axmed Suudaan...
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaalada Berbera ee Somaliland. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan, ayna maalmaha soo socda hor-geyn doonaan Guddoonka Baarlamaanka. Xildhibaanada...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay oo sheegayay inuu damacsan yahay in is bedel inuu ku sameeyo golaha wasiirada. Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu kaga hadlay xaalada Puntland ka jirta, isagoo xusay in...
Ciidamada Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay laba ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Xarakadda Al Shabaab. Taliyaha ciidamada Nabadsugida Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Abshir Xasan, ayaa sheegay in labada qof ee ciidanka ay gacanta ku soo dhigeen in lagu soo qabtay howlgal ciidamadda ay...