Saturday, September 5, 2026
Marwada Madaxweynaha Dalka Zeynab Cabdi Macalin, ayaa Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay 8-da Maarso, oo ah “Maalinta Haweenka Adduunka”. Marwo, Seynab, ayaa haweenka Soomaaliyeed, ku tilmaamtay in ay yihiin laf-dhabarka dalka, ayna door wanaagsan kasoo cayaareen nabad-galyada. Magaladda Muqdishu, manta waxaa laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee Haweenka. Ugu danbayntii Marwada Madaxweynaha Dalka...
Isbahaysiga RAJO ayaa maanta oo Arbaco ah beeniyay in Drs. Yusur Abraar ay Magaalada Muqdisho u imaanayso sdii ay uga mid noqon lahayd xubnaha ku biiraya dowladda cusub ee uu soo dhisi doono Ra'iisul-wasaare Xasan Cali Khayre. Warkan ka soo baxay Rajo oo ay xubin ka tahay Drs. Yusur ayaa...
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Max’ed Aadan Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa uga digay ilaalada hoteellada Muqdisho in ay xirtaan dareyska ciidamada.. Waxaa uu sheegay cidii lagu arko iyadoo dareeska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku ilaalinaysa hoteel in laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan. ‘’Ma ogolaaneyno ilaalada hoteellada Muqdisho in...
Degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelah Dhexe, waxaa laga soo sheegayaa in ugu yaraan 20 ruux ay u geeryoodeen  cudurka Shuban biyoodka. Dadka cudurka u geeryooday, waxaa ay u badanyihiin carruur iyo dumar. Gudoomiyaha degaanka Xawaadley Cabdulle Macaani Beerow, ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan dad kale oo cudurka la jiifa,...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, sanadkan 2017-ka, ay Guddoonka usoo gudbiyaan, haddii doorasho “Qof-Iyo-Codkiisa ah” dalka ay ka dhici karto iyo in kale. “ Barlamaanka labada Aqal ma sugi doono ilaa 2019-ka, ka bacdi in la fiiriyo oo la...
Safar aan horay loo sii shaacin ayuu Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres uu ku yimid Magaaladda Muqdishu manta oo Talaado ah. Amaanka magaaladda ayaa si weyn loo adkeeyay, balse imaanshaha Xogahayaha saameyn xoogan guud ahaan magaaladda kuma uusan yeelan, oo keliya waxaa la xiray laba wado oo magaaladda dhex-marta. Garoonka...
Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres, ayaa hadda gaaray magaaladda Baydhabo ee Xaruunta ku-meel gaarka maamulka Koonfur-galbeed. Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Shariif Xasan, iyo xubnaha ka shaqeeya gurmadka Abaaraha dadka ay saameeyen. Koonfur Galbeed, waxaa ay ka mid tahay meelaha gaarka ah ee ay saameysay Abaarta. Ra’iisal Wasaaraha...
–Maxkamadda  Ciidmada Qalabka Sida ee Soomaaliya , ayaa manta waxaa ka soo hor muuqday 7-eedeysane oo lago eedeeyay in ay wax ka ogaayeen Qaraxyadii sandkii 2016 ka dhacay Suuqa Beerta. Qaxarii ka dhacay Suuqa, waxaa ku geeryooday 30 ruux oo u badnaa, ganacsato, halka ku dhowaad 40 kalena ay ku...
Ayadoo inta badan gobollada dalka Soomaaliya ay ka jiraan abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ayaa waxa is soo taraya dadka u le’anaya saameynta ay ku reebeen abaaraha. Gobolka Gedo waxa uu kamid yahay gobollada dalka Soomaaliya ee ay sida ba’an u saameeyeen abaaraha, ayadoo gobolkan dadka ku dhaqan ay u...
-Wasiirada arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta ayaa kullan ku yeelanaya magaalada Qaahira, iyaga oo ka arisanaya dhowr arrimood oo ay ka mid tahay go’aanka Mareykanka uu safaaraddiisa Israaiil ugu rarayo magaaladda Quddus. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson uu booqanayo israa’iil iyo Falastiin. Shirkaan...