Dilalka Qorsheysan oo Muqdisho kusoo badanaya Faah Faahin(24kii saac ee lasoo dhaafey).

0
372

Magaalada Muqdisho 24 saac ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo ay geysteen kooxo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Xamar Jabab ayaa kooxo hubeysan oo aan habeyntooda la aqoon waxaa ay ku dileen labo ruux.

Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xalay gurigiisa oo ku yeela degmada Xamar Jajab ku dhax dilay  Nuur Cali Isxaaq, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degaanka kooxihii dilka geystay ayaa goobta baxsaday.

 Marxuumka la dilay ayaa sida dadka aqoonta u leh HOL u sheegeen waxaa uu horay uga tirsanaa ciidammadii hore ee dowladda Soomaaliya, balse hada uu ahaa shaqsi bulshada ka tirsan oo iskii u shaqeysta.

Isla galinkii danbe ee maalintii shalay ayeey koox bastoolado ku hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho haweeney lagu magacaabi jiray Shamso Xaaji oo ka mid aheyd dumarka ka shaqeeya nadaafada.

Ugu danbeyntii, ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku toogtay Isgooyska Zope ee magaalada Muqdisho nin dhalinyaro ah oo watay gaari yar, waxaana la sheegay in ciidamadii toogashada geystay isaga tagee goobta.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen dilalkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

warsom2011@gmail.com