Saturday, September 5, 2026
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay labo ruux oo shacab ah o ciidamada AMISOM ku dileen deegaanka Qurac-Madoobe oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe. Labada ruux ee la dilay oo lagu sheegay in ahaayeen xoolo dhaqato ayaa dilkooda waxaa uu ka danbeeya weerar xoogag ka tirsan...
Ciidamo gadoodsan oo ku sugan koontaroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe ayaa lagu waramayaa in xalay saqdii dhexe sii daayeen gadiid xamuul ah oo halkaa ku xanibnaa tan iyo markii ay ciidamada gadoodka sameeyeen. Gadiidka la sii daayay ayaa la sheegay in intooda badan ay ka kala yimaadeen magaalooyinka Boosaaso Gaalkacyo...
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ballaaran la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, isaga oo kala hadlay sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah oo lagu gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameynta ba’an ku yeesheen. Ra’iisal wasaaraha ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed in ay kaalin...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in mid ka mid ah xildhibaannada gollaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Cabdifataax Xassan Xusseen dhaawac fudud ka soo gaaray weerarka xalay lagu qaaday. Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday, waxaana xildhibaanka rasaastii lagu furay ka soo...
Dowladda Itoobiya ayaa is bedel ku sameysay Safiirkeedii Soomaaliya joogay oo lagu magacaabo Wondimu Asamne, kaddib markii uu waqtigiisu dhamaaday. Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horay u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya. Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in warqad ka soo baxday...
Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Faarax, oo shalay ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa, ayaa aad usoo-hagaageysa, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif. Guddoomiyaha, ayaa sheegay in xildhibaanka dhaawac culus uu soo gaaray, balse hadda xaaladiisa ay aad u-wanaagsantahay. Dhinaca kale, Xasan Maxamed Khaliif, waxaa uu warbaahinta...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota ayaa xalay magaalada Minneapolis ku qabtay xaflad lagu xusayo maalinta haweenka ee Adduunka, xafladdaan oo ay  soo abaabushay ururka haweenka ee ISUROON oo ah hay’ad ka  shaqaysa arimaha haweenka , ayaa waxaa kala soo qaybgalay haweenka  soomaaliyeed qaar ka mid ah bulshooyinka kala duwan...
Ciidamadda Daraawiishta maamulka Puntland, ayaa xalay la wareegay Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaaladda Garowe. Askarta waxaa ay Gadood ka yihiin eedo ay ka tabanayaan dhinaca mushaarka, waxaana ay sheegeen in Saddexdii sano ee la soo dhaafay min Afar bilood, oo keliya in ay ka heleen mushaarkooda xaqa ay u leeyihiin. Taliye...
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Nairobi ayaa waxa ay ka wada hadleen dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo xasilinta nabadda Soomaaliya. Labada dhinac oo kulankooda uu saacado kooban qaatay ayaa waxa ay si gaar ah uga...
Iyadoo waayadii ugu danbeeyay ay soo ifbaxayeen tacadiyo ay dilalka ka mid yihiin oo ciidamada dowladda ay kula kacaan dadka rayidka ahaa waxaa arintan ka hadlay sii hayaha wasaarada amniga gudaha C/risaaq Cumar Max’ed. Wasiirka ayaa sheegay in aan askarta dowladda marnaba loogu dulqaadan doonin sida uu hadalka u dhigay...