Saturday, September 5, 2026
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in ay kulan maanta ay halkaa ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle lagu kala tagay kadib markii leysku khilaafay ansixita xubnihii gollaha wasiirada uu dhawaan magacaabay madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble. Inkastoo wararka naga soo gaaraya magaalada...
Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa qirtay in qorshaha iminka ee isku haleeya kaliya weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inuusan ku guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta. Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku baaqaya...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababtii keentay in Puntland ay degaanada ka joojiso TV-ga Universal. Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland aysan ogoleyn in la kici bulsho iyo dadka lagu dhax faafiyo sida uu hadalka u dhigay dacaayad iyo wax...
Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane C/raxmaan Max'ed Xuseen ayaa sheegay in ay kasii dareeyso xaaladda abaaraha ka jira gobollada Jubooyinka, isagoo sheegay in dhimashadu inta ay ogyihiin ilaa hadda ay gaareeyso ilaa 50 qof. Waxa uu sheegay in dadka ree miyiga ah ee ay saameeyeen abaaraha ay...
Al Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhiga ciidamadda dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deeegaanka ay sheegeen. Korneel Cabdi Daahir oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadda oo dhiifanaan ay ka muuqato in ay iska difaaceen weerarka. Dagaalyahanada...
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa  beeniyay in Imaaraadka Carrabta uu saldhig military ka dhisanaayo Magaaladda Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland-Soomaaliya. Imaaraadka ayaa galaangal siyaasadeed oo aad u-weyn ka damacsan gobolka ku yaalla geeska Africa. “ Dowladda Imaaraadka waxaa ay naga taageertaa dhinaca tababarka ciidanka badda, wax qarsoona ma...
Koox hubeysan ayaa xalay Bombo-gacmeed ku tuuray  Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Hirshabeelle ee magaaladda Jowhar ee xarunta maamulkaas, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Xiligii Bambooyinka lagu tuurayay Xarunta Madaxtooyadda, waxaa ku sugnaa  madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble, oo kulamo kula qaadanayay xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Ciidamadii ku sugnaa Madaxtooyadda ayaa furay...
Koox hubeysan, ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ku dilay wiil dhalinyara ah, kadib markii uu diiday in telfoonkiisa uu dhiibo. Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabijiray Axmed Sheekh Mayoow, waxaa uuna ka mid ahaa dadka deegaanka. “ Kooxda waxaa ay ahaayeen kuwo ku labisan dareeska ciidanka dowladda, beryihii...
Seddax qobol ayaa taageeray dacwad uu gudbiyay maamulka gobolka Hawaii oo sharciga la tiigsaday go'aankii Donald Trump uu ku mamnuucay Muslimiinta lix dal. Donald Trump ayaa saxiixay amar uu lix dal oo Musliim ah dadkooda uu 90 maalmood uga mamnuucay safarada Mareykanka. Maamulka New York ayaa go'aanka u arko mid Muslimiinta...
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya waxaa gaaray qoysas isaga soo barakacay deegaannadii miyiga oo ay ku noolaayeen kadib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen islamarkaana waayeen wax ay ku noolaadaan. Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in ay dadka reer miyiga ah aysan aqoon nolal...