Dagaal Yahanada Al-shabaab oo Xaley weerar ku qaadey Saldhig ciidamada Dawlada F.S ku lahaayeen deg. SHalaanbood.

0
6

Al Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhiga ciidamadda dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deeegaanka ay sheegeen.

Korneel Cabdi Daahir oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadda oo dhiifanaan ay ka muuqato in ay iska difaaceen weerarka.

Dagaalyahanada xarakadda Al Shabaab, ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka geysta deegaanka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, saraakiisha ciidamadana ma aysan sheegin, khasaaraha weerarka.

Xaaladda ayaa saaka kusoo noqotay si caadi ah, waxaana dib u biloowday ganacsiga yar-yar ee deegaanka.

warsom2011@gmail.com