Tuesday, September 1, 2026
Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa subaxnimdii hore ee saakay toogasho ku dilay Haweeney Guddoomiye laameed ka aheyd degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Goob joogayaal ayaa sheegay in raggan gurigeeda ugu galleenHaweeneydan oo lagu magacaabi jiray Foos Maxamed Xusseen, kadibna ay dhowr xabadood kaga dhifteen qeybaha sare ee jirkeeda Waxaa sidoo...
 Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in weli ay jirto saameynta ay yeelatay Abaartii ku dhufatay dalka, loona baahan yahay in la helo gargaar. Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bani’aadanimada maamulka Galmudug Mahad Maxamuud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shacabka reer Galmudug in xoolohoodii ay ku waayeen Abaaraha, muhiimna ay tahay...
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta gollaha shacabka sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xubnaha gollaha baarlamaanka. Kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa ajandihiisu waxaa uu yahay Akhrinta koobaad ee Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha oo ka mid...
Xaaska ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa ku guuleystay doorashada ku celiska ahayd ee ka dhacday magaalada u kasoo jeedo ee Lahore. Natiijada hordhaca ayaa muujinaysa in Kulsoom Nawaz ku horeys shan iyo tobban kun oo cod. Doorashada ayaa la qabanayaa kaddib markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi...
Ra’iisul wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horeysay ka hadlay rabshadaha sababay dhimashada baahsan ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana uu tilmaamay in uu ka xun yahay qalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah. Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dhimashada ka dhalatay qalalaasaha labada, isaga...
Maxamed Yuusuf Tigey oo ka mid ahaa guddiga Taakuleynta heer Qaran ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xubinnadii guddiga, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii labaad ee isaga baxay guddiga tan iyo markii lagu dhawaaqay. Waxaa uu sheegay in uu iska casilay xubinnimadii guddiga, kaddib markii uu...
Madaxweynaha dowladda SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay xalay Qorayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay Carwada Buugaagta muddadii sadexda maalmood ah oo ay furnayd. Qorayaasha la kulmay madaxweynaha ayaa la wadaagay caqabadaha ku...
Dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay taliyihii nabad-sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir kaddib weerar lagu qaaday gaarigiisa. Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Macallin Xassan Qoolleey, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay gaariga, sidoo kalana waxaa la dhitay...
                  Wafdigan uu horkacayay Wasiirka wasaaradda arimaaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareeykanka, ayadoo wafdigan uu hordhac u yahay wafdi kale oo uu hogaaminayo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre oo gaari doona dalkaasi. Wasiirka arimaha dibadda dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay...
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageerto madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle si looga gudbo caqabado faraha badan ee xilliggaan horyaalla. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in ay muujiso taageerada ay u hayaan maamulka curdanka ah si amni...