Weerar Lagu Qaadey Gaariga Taliyihii Nabadsugidda Degmada Kaxda oo u Geeryoodey Dhaawac Soo Gaarey..

0
364

Dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay taliyihii nabad-sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir kaddib weerar lagu qaaday gaarigiisa.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Macallin Xassan Qoolleey, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay gaariga, sidoo kalana waxaa la dhitay askari ka mid ahaa ilaaladiisa.

Gaariga ayaa la sheegay in waqtiga la weeraray marayay xaafadda Xoosh ee degmada Dherkeenley, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii weerarka geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sida uu weerarku u dhacay.

warsom2011@gmail.com