Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa walaac ka muujinaya in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya uu caqabad ku noqon karo qorshaha amni ee dalka, xilli howlgalka uu wajahayo hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalkiisa. Dalalkan oo dhawaan isugu yimid shir degdeg ah oo ka...
Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa magaalada Makka ku kala saxeexday heshiis difaac oo wadajir ah, kaas oo dhigaya in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood. Heshiiskan oo loo bixiyay Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka, ayaa lagu dhawaaqay...
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo matalaya dalka, kuwaas oo ka qeyb geli doona Tartanka Caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka ee ka dhacaya Boqortooyada Sacuudiga. Xafladda sagootinta waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, oo kula dardaarmay tartamayaasha...
Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya wasaaradaha gaashaandhigga labada dal, kaas oo lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada. Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday magaalada Islamabad, xilli uu halkaas booqasho rasmi ah ku joogo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo...
Puntland ayaa sheegtay in hay'adaha garsoorka loo gudbin doono magacyada siyaasiyiin, saraakiil iyo shakhsiyaad lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falal lagu qalqalgelinayo amniga  Puntland, si sharciga loo horgeeyo. War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Puntland ayaa  lagu sheegay in siyaasiyiintan ay u shaqeeyaan Dowladda Federaalka, islamarkaasna ay qeyb...
Puntland ayaa si buuxda ula wareegtay xaruntii iyo taliskii ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, maalin kadib markii ay sidoo kale la wareegtay xaruntii PSF ee magaalada Gaalkacyo. War-saxaafadeed ay soo saareen Ciidanka Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in xarunta Boosaaso ay hadda si buuxda ugu jirto gacanta dowladda, isla markaana...
Ciidamo hore uga tirsanaan jiray Puntland balse markii dambe ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay isaga baxay xeryo ciidan oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah. Ciidamadan ayaa la sheegay inay u jiheysteen dhanka Gobolka Galgaduud, kadib markii ay heleen xog sheegaysa in Puntland...
Mas'uuliyiinta Yemen ayaa masaafuriyay wakiilkii ganacsiga ee Somaliland u fadhiyay dalkaas, Idiris Aadan Raage, kadib markii uu in ka badan laba bilood ku xirnaa magaalada Cadan, sida ay sheegeen ilo Yemeni ah iyo warbaahinta Soomaaliyeed. Wararku waxay sheegayaan in Raage laga sii daayay xabsiga ka hor inta aan laga dhoofin...
Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa kulan kula yeeshay Madaxtooyada hoggaamiyaha dhaqanka beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyo siyaasiyiin sare oo ka tirsan beeshaas, iyadoo looga hadlay hoggaanka xiga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah wadahadallada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore...
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in bilaha soo socda la filayo inay Soomaaliya yimaadaan maraakiib kalluumeysi oo Turki ah, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha badda ee Soomaaliya. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa hadalkan ka sheegay Shirkii ugu horreeyay ee Badaha Soomaaliya (Somalia...