Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Culimo ka timid Puntland oo wada dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo Somaliland iyo Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay inay rajaynayaan in lagu guulaysto heshiis nabadeed oo waara, kaas oo saldhig u noqon kara is-weydaarsiga maxaabiista, kala qaadista ciidamada iyo dib u furista isu-socodka shacabka. Culimada ayaa sheegay inay soo dhawayn diirran ka...
Dowladda UK ayaa furtay codsiyada deeqaha waxbarasho ee Chevening Scholarships ee sanad-dugsiyeedka 2027/2028, kuwaas oo siinaya xirfadlayaasha Soomaaliyeed fursad ay ku qaataan shahaadada mastarka oo si buuxda loo maalgeliyey jaamacadaha ugu sarreeya ee UK. Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la horumariyo aqoonta, xirfadaha iyo xiriirrada caalamiga ah ee hoggaamiyeyaasha soo...
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay jadwalka rasmiga ah ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo la bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta doonaya xilkaas. War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharraxiinta ay ka bilaaban doonto xarunta Villa Hargeysa 5 iyo 6-da Agoosto 2026, halka...
Hoggaamiyaha Xisbiga Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu uusan aqbali doonin, isla markaana uusan aqoonsan doonin natiijo kasta oo wax laga beddelo doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday deegaannada Galmudug. Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu Sheekh Shaakir ku sheegay in ururrada siyaasadeed ay u...
Ururka African Communities Together iyo dacwoodayaal kale ayaa ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu ku takooray dadka Soomaaliyeed asal ahaan iyo jinsiyaddooda, iyagoo sheegay in go'aanka lagu joojinayo Temporary Protected Status (TPS) uu jebinayo Wax-ka-beddelka Shanaad ee Dastuurka Mareykanka. Dacwadda ayaa sheegaysa in maamulka uu hore u sii go'aamiyay...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garoonka Diyaaradaha Laascaanood waxaa ku qaabilay mas'uuliyiin heer deegaan ah, odayaal, qeybaha bulshada iyo Madaxweynaha maamulka Waqooyi...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo khudbad uu ka jeediyay fadhi wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Madaxweynaha...
Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. Anderson, ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorsheynayn inuu aqoonsado Somaliland, isagoo caddeeyay in siyaasadda Washington ay weli ku saleysan tahay ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Anderson ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan wax qorshe...
Hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddo 18 illaa 24 bilood ah sii wado taageerada hawlgalka, si looga hortago firaaq amni oo ka dhalan karta dhammaadka taageerada hadda jirta. War-murtiyeedka laga soo...
Alle ha u naxariistee, hobolkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Axmed Cali Cigaal, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Maraykanka, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa. Geerida fanaanka ayaa murugo ku abuurtay bahda fanka Soomaaliyeed, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku riyaaqsana hal-abuurka iyo...