Qabiil ka soo jeeda koonfurta Ciraaq ayaa sheegay inuu koox burcad-badeed Soomaali ah kala wareegay markab shidaal oo laga afduubtay, kaddib markii ku dhowaad 40 xubnood oo ka tirsan qabiilka ay u dhaqaaqeen gacanka Cadmeed si ay u soo furtaan markabka.
Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in xubnaha qabiilka Al-Shaghanba, oo ka soo jeeda gobolka Basra, ay ka qayb qaateen howlgal lagu soo celinayay markab shidaal oo ay burcad-badeeddu qabsadeen, isla markaana ay dalbadeen madax-furasho.
Sheekh Ali Al-Shaghanbi oo ka tirsan qabiilkaas ayaa sheegay in markabka uu lahaa ganacsade Ciraaqi ah oo ka tirsan Al-Shaghanba, ayna burcaddu qabsadeen xilli uu marayay Gacanka Cadmeed. Sida uu sheegay, dadkii markabka saarnaa ayaa la haystay, iyadoo kooxdii afduubka geysatay ay dalbatay madax-furasho.
Sheekha ayaa sheegay in ku dhowaad 40 xubnood oo ka tirsan qabiilka, oo laga soo abaabulay degmada Abu Al-Khasib iyo tuulada Jikour ee koonfurta Basra, ay u dhaqaaqeen soo-celinta markabka, iyagoo adeegsanaya xiriirro ka baxsan Ciraaq.
Warbixinno kale oo Ciraaqi ah ayaa sheegay in xubnaha qabiilka ay markii ay heleen markabka ay la galeen dagaal kooxdii burcad-badeedda, kaddibna ay dib ula wareegeen markabka ayna sii daayeen shaqaalihii saarnaa. Qaar ka mid ah warbixinnada ayaa sheegay in iska horimaadku socday dhowr saacadood.
Sheekh Al-Shaghanbi wuxuu sheegay in toddobo ka mid ah kooxdii burcad-badeedda la qabtay, halka xubno kale ay baxsadeen.
Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sidoo kale baahiyay muuqaallo ay ku sheegayaan inay muujinayaan dagaalka badda, balse faahfaahinta ku saabsan sida howlgalka loo fuliyay, magaca markabka, waqtiga saxda ah iyo goobta uu iska horimaadku ka dhacay ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Qabiilka Al-Shaghanba ayaa war uu soo saaray ku sheegay in howlgalka lagu soo celiyay markabka uu dhacay kaddib isgaarsiin iyo isku-duwid lala sameeyay dhinacyo ka baxsan Ciraaq. Warbixin laga soo xigtay qabiilka ayaa sidoo kale sheegtay in oggolaansho laga helay dowladda Soomaaliya, balse faahfaahinta arrintaas ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.





