Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo in awoodda doorashada dib loogu celiyo shacabka. Wakiillada beesha caalamka ayaa sheegay inay Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kala shaqeynayaan...
Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler ayaa magaalada Ankara kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu. Kulanka oo dhacay maanta oo Isniin ah ayaa qeyb ka ahaa xiriirrada heerka sare ah ee...
PROFILE-KA IYO BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA MURASHAX MADAXWEYNE EE NUCMAAN SH CUMAR TUURE. HORDHAC Barnaamijkani wuxuu ku dhisan yahay aragti siyaasadeed oo ku saleysan Dastuurka Soomaaliya, Shareecada Islaamka, midnimada dalka, nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-wanaagga, dimuqraadiyadda, kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo horumarinta adeegyada bulshada. Murashaxu wuxuu aaminsan yahay in Soomaaliya leedahay dad, khayraad iyo fursado badan...
Turkiga ayaa dardar gelinaya qorshe uu ku ballaarinayo hawlgallada shirkaddiisa shidaalka ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) ee dibadda, iyadoo Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya iyo Cumaan ay noqdeen meelaha ugu muhiimsan ee Ankara ay ku doonayso inay ku kordhiso wax-soo-saarka shidaalka iyo gaaska. Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan...
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kormeertay goobta loo diyaariyey doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho maalinta berri ah. Sacdiya Yaasiin oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeerka ku tagtay iyadoo ay...
Qaramada Midoobay ayaa bilowday habraac ganacsi oo lagu xaraashayo qalab iyo agab ay ku leedahay Soomaaliya, iyadoo bogga rasmiga ah ee wax-iibsiga Qaramada Midoobay lagu daabacay ogeysiis ku saabsan “Commercial Sale of UN Items in Somalia”. Ogeysiiska, oo ay soo saartay UN Secretariat, ayaa tilmaamaya in la raadinayo shirkado ama...
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta, oo Axad ah, sacaadaha soo socda uu si rasmi ah u shaaciyo natiijada imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo munaasabadda lagu wado inay ka qeyb galaan madaxda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir. Shaacinta natiijada ayaa la qorsheeyay inay bilaabato...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Arnaud Suquet, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo xaaladda guud ee Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee...
Isku dhac rabshado wata ayaa dhex maray qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida iyo dadka deegaanka ee Koonfur Afrika, iyadoo xiisadaha la xiriira socdaalka iyo ganacsiyada ay leeyihiin ajaanibta ay weli ka taagan yihiin dalka. Isku dhaca ayaa ka dhacay bannaanka dukaamo ku yaalla dalkaas, waxaana la arkayay ganacsato Soomaali...
Dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa walaac ka muujinaya in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya uu caqabad ku noqon karo qorshaha amni ee dalka, xilli howlgalka uu wajahayo hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalkiisa. Dalalkan oo dhawaan isugu yimid shir degdeg ah oo ka...