Shir Looga Hadlayey Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Isku Xirka Geeska Afrika oo Soomaaliya Gudoomisay.

0
7

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gobolka iyo maalgelinta mashaariicda dhaqaale.

Kulanka oo ahaa mid hal maalin socday ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah wasiirrada dalalka ku bahoobay madasha, wakiillo ka socday dowladaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub.

Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray horumarinta is-dhexgalka gobolka, xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo sidii loo maalgelin lahaa mudnaanta dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, biyaha iyo waddooyinka isku xira dalalka gobolka, kuwaas oo muhiim u ah fududeynta ganacsiga iyo isku socodka.

Intii uu socday kulanka ayaa lagu ansixiyay qorshe-hawleedka horumarinta ganacsiga Geeska Afrika, kaas oo ay hore u diyaariyeen wasiirrada ganacsiga ee dalalka ku bahoobay Hindisaha Geeska Afrika.

Qorshahan ayaa ka dhashay kulan ay wasiirrada ganacsigu bishii Agoosto 2026 ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa uga mahadceliyay dalalka ku mideysan Madasha Hindisaha Geeska Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah taageerada ay si joogto ah u siiyaan hindisaha, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo maalgelinta mashaariicda muhiimka u ah gobolka.

Kulanka 29-aad ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Geeska Afrika iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo dardargeliyo mashaariicda gobolka iyo in la ballaariyo fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka.