Taageerada iyo Jiritaanka Dawlad Falastiin Leedahay oo Dawladda Soomaaliya Markale Xaqiijisay.

0
10

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda aayo-ka-tashiga iyo dowladnimada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay xal caddaalad ah oo waara, kaas oo lagu gaari karo hirgelinta xalka labada dowladood, iyadoo la dhisayo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, awood u leh inay iskeed isu maamusho, kuna salaysan xuduudihii ka horreeyay dagaalkii 1967.

Madaxweynaha ayaa xusay in xal caddaalad ah oo laga gaaro qadiyadda Falastiin uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida waarta ee Bariga Dhexe iyo guud ahaan gobolka.

Soomaaliya ayaa muddo dheer taageeraysay xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi iyo dowlad madax-bannaan, iyadoo sidoo kale si joogto ah u taageerta xalka labada dowladood iyo dowlad Falastiini ah oo ku salaysan xuduudaha 1967.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Qaramada Midoobay iyo dowlado badan ay dib u xoojinayaan baaqyada ku aaddan xal siyaasadeed oo lagu dhisayo laba dowladood oo nabad iyo amni ku wada nool.