Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Federalka Cali Xoosh oo ka Horyimid Warqad uu Deni U Diray Qaramada Midoobay.

0
6

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa ka horyimd warqad ka soo baxday Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo lala wadaagay Qaramada Midoobay, taas oo ay Puntland uga  cabanaysay dowladda Federaalka.

Cali Xoosh ayaa sheegay in warqadda uu Deni soo saaray aysan matalin ama ka tarjumayn mowqifka shacabka iyo waxgaradka Puntland, isagoo ku tilmaamay mid bulshada lagu marin habaabinayo.

Wuxuu sheegay in Puntland lagu dhisay Soomaalinimo, midnimo qaran iyo ilaalinta wadajirka Soomaaliya, isagoo sheegay in dadka Puntland ay door weyn ku leeyihiin dhismaha iyo difaaca qarannimada dalka.

Cali Xoosh ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu dano siyaasadeed oo ku-meel-gaar ah ku beddelanayo mabaadi’daas, wuxuuna sheegay in warqadda loo adeegsanayo aragtiyo uu ku tilmaamay kuwo lagu wiiqayo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu dhaliil u jeediyay siyaasiyiin uu sheegay inay mucaarad isku sheegaan balse qeyb ka ah waxa uu ugu yeeray mashruuc Deni loo soo dhiibay oo uu sheegay inuu ugu adeegayo dano shisheeye.

Madaxweyne Deni ayaa Golaha Qaramada Midoobay la wadaagay qoraal uu ku sheegayo in dadka reer Puntlan rabaan in aysan kasii mid ahaan Muqdisho haddii dowladnimada Soomaaliya fashilanto.