Monday, August 24, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Munaasabadda 26 June/1 July ayeey sharikadda Dahabshiil Norway , oo sanad walba u taagan dhiiri galinta dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalkan Norway ayaa dhigtay koob lagu xusayo munaasabadaas.. Laga soo bilaabo sanadkii 2003 ayay shirkadani isku taxalujisay in maalmahan oo kale ay dhalinyaradu isku arkaan , bartaana maalmahan qiimaha  u...
Shirkan oo uu shir gudoominayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ahaa shirkii billaha ahaa ee golaha amniga Jubbland, waxaana ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Jubbaland, saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, saraakiil ka kala socotay howlgalka AMISOM iyo kan Mareeykanka ee Soomaaliya. Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka...
Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana qaaday xayiraaddii saarneyd dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga taas oo la saaray sanaddii 2016-kii. Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo...
Dowladda Britain ayaa qalab uu qiimahooda gaarayo 5.6 milyan oo baund ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah xilli ay ciidamadu sii xoojinayaan hannaanka kala-guurka ah ee ku saleysan shuruudo. Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka cagafta nooca xamuulka,...
Faah faaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka mid ka mid Darawalada ku shaqeysta gadiidka yar yare ee Mooto Bajaajka oo subaxnimadii hore ee saakay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku toogtay degmada Hodan. Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dilkan uu dhacay kaddib markii askartii joogtay Barta...
Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh dirtay Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo. Madaafiicda ku dhacday degmada Wadajir oo tiro ahaan...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho uga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka...
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo uu wehliyo mid ka mid ah dagaalamayaasha Ururka. Sarkaalkan soo goostay ayaa la sheegay in uu ahaa wakiilkii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka lagu magacaabo Xaaji Muuse oo ka tirsan...
Shir uga socday beel ka mid ah beelaha Somaliland deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo. Shirkan waxa uu u socday beesha Garxajis oo ka mid ah beelaha Somaliland, waxaanay muddo toban cisho ah ku shiraayeen deegaanka Buurta Gacan libaax...