Al-shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Isgoyska Sanca Ee Muqdisho

0
533
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, rag hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay halkaasi ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliya.

Laba dhalinyaro oo ku hubeysan bastoolado ayaa rasaas hubiyay askarigan oo xilliga la dilayay fadhiyay maqaaxi yar oo lagu shaaheeyo, watayna qori AK-47 oo aysan ka qaadan kooxdii hubeysneyd.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen dilkaasi inay ku baxeen ciidan halkaasi ka akdhawaa oo rasaas ku furay raggan, taasi oo sababtay in la dhaawaco mid ka mid ah Dableyda, balse aan gacanta lagu dhigin.

Meydka askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Muuse ayaa waxaa loo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano loogu sameeyo.

Ciidanka halkaasi tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano amni xaqiijin ah, iyada oo ciidamada ay dilkan u soo qabteen tiro dhalinyaro ah oo la tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkan.

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda Waxaa Dilalka ka geysta rag hubeysan Mintidiinta Al Shabaab Ayaana Sheegata Ilaa iyo haatana ma jira isbadal dhanka amaanka ah oo ay sameeyeen dowlada soomaaliya.