Muqdisho Oo Cabsi Amni Ka Jirta & Amniga Wadooyinka Gala Madaxtooyo Oo La Adkeeyay.

0
489
Xaalad cabsi dhanka ammaanka ayaa ka jirta Magaalada Muqdisho, xilli inta badan wadooyinka Magaalada aysan joogin ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya oo ka shaqeynaya ammaanka caasimadda.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay in laga cabsi qabo weeraro cusub oo Shabaab ay ka gaystaan Magaalada gudaheeda, xilli dhamaan Isgoysyada Magaalada kuwooda ugu badan ay yihiin ciidan la’aan.

Saraakiisha ayaa sheegay Shabaab xilligaan inay qorsheynayaan weeraro ay ka gaystaan Muqdisho, iyaga oo ka faa’iideysanaya marxalada kala guurka ah ee ciidamada dowladda xilligaan ay ku jiraan, maadaama isbedel lagu sameeyay.

Hadabada, iyadoo ay jirto cabsidaasi ayaa Koontaroolada ku dhaw Madaxtooyadda Somaliya waxaa si wayn loo adkeeyay ammaankooda, waxaana adag in halkaasi gaadiid xittaa ay u soo dhawaadaan.

Koontaroolada Madaxtooyadda xayndaabkeeda ku yaalla, ayaa waxaa la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Militariga Somaliya, kuwaasi oo xittaa diidaya in gaariga uu u soo dhawaado.

Gaadiidka ay wataan shaqsiyaadka ka tirsan dowladda ayaa waxa ay ku maraan Koontaroolada Madaxtooyadda ku dhaw in laga soo dago gaariga, kadibna qofka oo gacanta kuwa wata aqoonsiga uu u tago askarta oo garwaaxsan qoryo, difaac adagna ku jira sida askar furun dagaal ku jirta oo kale.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda amnigeeda waxaa si buuxda loogu wareejiyay ciidamo ka tirsan Booliska, gaar ahaan Guutada 14-ka October oo ah Boolis Militari.